(Dhageyso+Sawirro) Gudoomiyaha La-dagalanka Qaadka Abuukar Cawaale oo lagu soo dhaweeyay Bosaso.

0

Wafdi uu hoggaaminayo Gudoomiyaha la-dagalanka Qaadka Abuukar Cawaale ”Qaaddiid” ayaa maanta oo Tallaado ah lagu soo dhaweeyay degmada Carmo oo ka tirsan Gobalka Bari, halkaasoo markii danbe uu kulan kula qaatay mamulka degmada iyo qaybaha kala duwan ee shacabka Carmo.

Kulankan oo ka dhacay bartamaha magalada ayaa waxaa laga soo jeediyay khudbado kala duwan oo la xariira dhibaatooyinka uu qaadku ku hayo shacabka, waxana sidoo kale goobta ka hadlay dhowr qof oo horay qaadka u cuni-jiray kuna dhawaaqay inay ka baxeen cunista qaadka iyo ka ganacsigiisa.

Duqa Carmo Maxamed Cali Shire ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay Olalaha la-dagalanka Qaadka ee uu Abuukar Cawaale ka wado deegaanadda Puntland, wuxuna sheegay Shire inay ka go’an tahay sidii dadka looga wacyi galin ahaa khataraha  uu qaadku sababo oo ay ka mid yihiin bur-burinka qoyska iyo dib u dhac ku yimaada nolasha dadka.

Qaar ka mid ah Haweenka iyo Odayaasha Carmo oo kulankan ka hadlay ayaa ajiibay fariinta la-dagalanka qaadka, waxayna balan ku qaadeen inay inta awoodooda ah dadka ka wacyi galin doonana isla markasna u sheegi doonaan dhibaatooyinka uu xambaarsan yahay.

Abuukar Cawaale Qaaddiid ayaa u mahad celiyay mamulka iyo shacabka Carmo wuxuna sheegay inay aad u farxad galinayso dadkii goobta kaga dhawaaqay inay joojnayaan cunista qaadka kuwaasoo qaarkood cunayay in ka badan 20-sano, sidoo kale wuxuu soo dhaweeyay qaad faro badan oo isla goobta lagu gubay, taasoo tusaale u ah sida shacabka Carmo u diidan yihiin ka ganacsiga iyo cunista Qaadka.

Intaasi ka dib wafdiga Qaaddiid ayaa usoo kacay dhanka magalada Bosaso, waxana duleedkeeda kusoo dhaweeyay masuuliyin ka socda, Jaamacadda Bariga Africa Bosaso, Mu’asasada Al-Minjaah,Shirkadda isgaarsiinta Golis iyo Ardayda Jaamacadda Bariga Africa.

Gudoomiye ku xigeenka Jaamacadda Bariga Africa, Shiikh Maxamed Maxamuud Ciise, Gudoomiyaha Al-Minhaaj Bari, masuuliyiin ka socday Golis ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin Imaanshaha Qaaddiid magalada Bosaso, dhanka kale waxay tilmaameen inay garab taagan yihiin Olalaha la-dagalanka Qaadka oo hada ka bilowday Puntland.

Shirar kala duwan oo looga hadlayo aafooyinka Qaadka ayaa lagu wadaa in lagu qabto magalada Bosaso xarunta Gobalka Bari.

Hoos Ka Dhageyso Codka:

 

Daawo Sawiradda.

 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 24 25 26 27 28 29 30 31 32 33 34 35

Olalaha la-dagalanka Qaadka Soomaaliya.
DHAMMAAD.