General Dhega Badan oo lagu wado in loo magacaabo Taliyaha Ciidanka Militariga Somaliya (Warbixin).

0

General C/kariin Yuusuf Aadan (Dhega Badan), ayaa waxaa lagu wadaa in loo magacaabo Taliyaha Ciidanka Militariga Somaliya. Xilli uu horey u soo noqday Abaan Duuliyaha Ciidanka Militariga Somaliya.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Somaliya General C/qaadir Sheekh Cali Diini, ayaa qoraal Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ugu soo jeediyay in xilka laga qaado Taliyaha Ciidanka Militariga General Daahir Aadan Cilmi (Indha qarshe).

Wasiirka, ayaa qoraalka ku cadeeyay in General Indha qarshe uu u arko mid aan sii wadi karin Ciidanka Qalabka Sida Somaliya, isla-markaana aan la huri karin in xil ka qaadis lagu sameeyo. Wasiirka waxa kaloo uu qoraalku ku muujiyay in Taliyuhu uu lunsaday mushaaraadka lix bilood, oo loogu talla-galay Ciidanka Militariga.

Wasiirka, ayaa Madaxweynaha Somaliya ka codsaday inuu aqbalo in Taliyaha Ciidanka Militariga loo magacaabo General Dhega Badan, isla-markaana uu ku kalsoon yahay in wax badan uu ka qaban karo hawsha uu ka gaabiyay Indha qarshe.

Wasaaradda Gaashaandhiga, ayaa sidoo kale rumeysan in masuq maasuq baahsan uu ku kacay C/laahi Macalin Nuur, Taliyaha Saadka iyo Sahayda ee Ciidanka Militariga Somaliya, uuna u baahan yahay in dabagal lagu sameeyo.

Diini & Dhega Badan

General Diini iyo General Dhega Badan

Ilo muhiim ah, ayaa AGGM.com u sheegay in Madaxweynuhu uu soo dhaweeyay soo jeedinta Wasiirka Gaashaandhiga, dhawaana la shaaacin doono in xilkii laga xayuubiyay General Daahir Aadan Cilmi.

General Dhega Badan, ayaa durbaba lagu wargeliyay in uu hogaamin doono Taliska Ciidanka Qalabka Sida. Jananka waxa uu soo dhaweeyay in uu noqdo Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka.

Sarkaal ka tirsan Madaxtooyada Somaliya, ayaa AGGM.com u xaqiijiyay in General Dhega Badan uu goor dhow la wareegi doono Xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga Gobolka Banaadir. Haddii aan qorshaha waxba laga bedelin.

Tallaabada lagu soo xushay General Dhega Badan, ayaa waxaa lagu macneeyay mid lagu dardar-gelinaayo gulufka militari, ee ka dhanka ah mintidiinta Ururka Al Shabaab, oo weli weeraro ka geysanaaya goobaha ay Dowladdu maamusho.

Saraakiisha Militariga Somaliya, ayaa kuu sheegaya in Dhega Badan uu yahay khabiir xagga difaaca ah, isla-markaana uu aqoon durugsan u lee yahay waajibaadka lagu wado in loo wakiisho.

General Diini, ayaa waxaa la tilmaamaa in saxibo dhow yihiin General Dhega Badan, ayna in muddo ah ka soo wada shaqeeyeen arrimaha Militariga Somaliya. Laba sano ka hor, ayay labaduba dalka ka wada taggeen, markii Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh shaqada ka joojisay.

Dad badan, ayaa kalsooni badan ku qaba in wax badan soo kordhin doonaan General Diini iyo Dhega Badan, haddii ay suurta gasho in markale ka soo wada muuqdaan Taliska Gaashaandhiga Somaliya.