Guddiga Xeer Hoosaadka Ee Baarlamaanka  Oo Kampala Uu Uga Furmay Aqoon Kororsi Ku Aadan Dib U Eegista Iyo Wax Ka Bedelka  Xeer Hoosaadka “SAWIRRO”

0

Guddiga Xeer Hoosaadka,Anshaxa iyo Xasaanadda Golaha Shacabka
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxaa si rasmi ah
magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda uga furmay aqoon kororsi la
xiriira habraaca ugu fudud ee loo mari karo wax ka bedelka iyo dib u
eegista had iyo jeer lagu sameeyo Xeer Hoosaadka Golaha.

Munaasabad kooban oo lagu furayey aqoon kororsigan waxaa ka qeybgalay
Guddoonka iyo Xubnaha Guddiga Xeer Hoosaadka,Anshaxa iyo Xasaanadda ee
Baarlamaanka, Xildhibaanno kale oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka
Soomaaliya iyo mas’uuliyiin ka socotay hay’adda tababarkan taaba gelineysa
ee AWEPA.

Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Mudane C/kariin Xaaji Cabdi (Buux) oo faah faahin ka bixiyey aqoon
kororsiga magaalada Kampala uga furmay Guddiga Xeer Hoosaadka ee
Baarlamaanka ayaa tilmaamay in Xeer Hoosaadka uu yahay furaha Baarlamaanka
islamarkaana mar walba oo Kalfadhiga Goluhu furmayo wax ka bedel iyo dib u
eegis lagu sameeyo ayadoo la eegayo qodobbadii saameynta lahaa Kalfadhigii
lasoo dhaafay islamarkaana mudada uu tababarkan socdo ee u dhaxeysa
03-07March ay guddigu diiradda saari doonaan qodobbada wax ka bedelka u
baahan.

Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka
Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa la filayaa in uu soo xero
tababarkan oo qeyb ka ah tababarro dhowr ah oo guddiyada Golaha Shacabka
ku qaadan doonaan dalka dibaddiisa inta lagu jiro fasaxa caadiga ah ee
Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

—-DHAMMAAD—

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Guddoonka Baarlamaanka

DAAWO SAWIRRO:

DSC_4355 DSC_4364 DSC_4366 DSC_4368 DSC_4371 DSC_4373 DSC_4379 DSC_4380