Gudoomiyaha la-dagalanka Qaadka oo la kulmay mamulka Gobalka Bari iyo kan degmada (Sawirro+Cod).

0

Gudoomiyaha la-dagalanka Qaadka Abuukar Cawaale ”Qaad-diid” oo ay weheliyaan masuuliyiin ka socda Jaamacadda Bariga Africa iyo Mu’asasada Al-Minhaaj ayaa maanta oo Arbaco ah shir kula yeeshay xarunta Gobalka Gudoomiyaha Gobalka Bari, iyo ku simaha duqa magalada Bosaso.

Ahmiyada shirkan ayaa ah sidii looga wada tashan lahaa qabsoomida shirwayne qaran oo looga arrin-sanayo dhibaatooyinka uu qaadku u hayo bulshadeena Soomaaliyeed, kaasoo ka dhacaya magalada Bosaso.

Gudoomiyaha Gobalka Bari Mudane Cabdi-samad Maxamed Gallan ayaa soo dhaweeyay Olalaha la-dagalanka Qaadka oo ka bilowday deegaamada Puntland, wuxuna sheegay inay taageersan yihiin kulamada wacyi galinta ah ee ka socda magalada Bosaso, Gallan ayaa Abuukar Cawaale ku booriyay inuu sii xoojiyo farrimaha uu wado.

Dhinaca kale Abuukar Cawaale ayaa saakadii hore booqday Dugsiga sare ee Bosaso,halkaasoo uu Ardayda dhigta ku gaarsiiyay wacyi galinta Qaadka.

Mamulaha Iskuulkaasi oo la yiraahdo Siciid Cismaan (Fiisikis) ayaa yiri” waxaan aad usoo dhawaynayaa annigoo ku hadlaya magaca mamulka,macalimiinta iyo Ardayda iskuulka Olalaha la-dagalanka Qaadka waana arrin loo baahan yahay in laga wacyi galiyo shacabka”.

Cawaale ayaa ardayda ku booriyay inay addeeg-sadaan awoodooda isla markasna go’aan ku gaaraan inay wacyi galinta joojinta Qaadka ku baahiyaan xaafadaha magalada Bosaso.

Hoos ka dhageyso:


Ardayda Dugsiga sare ee Bosaso Public ayaa dhankooda balan qaaday inay samayn doonaan boorar ku qoran farriimo wacyi galin ah oo ka hadlaya dhibaatooyinka qaadka iyo sida fudud ee ay dalalka Kenya iyo Itoobiya u gurtaan dhaqaalaha dadka Soomaaliyeed.

Shacabka Gobalka Bari ayaa soo dhaweeyay Olalaha la-dagalanka Qaadka kaasoo markiisii ugu horeeyay ka bilowday Soomaaliya.

Daawo sawiradda:

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 19 20