KOONFUR AFRIKA : Wiil uu adeer u yahay Abwaan Hadraawi La Diley

0

CAPE TOWN, South Africa (Allgalgaduud.com) – Koonfur Afrika ayaa wiil Soomaali ah lagu diley magaalada Cape Town ee dalkaasi gaar ahaan Xaafadda ay Soomaalidu ku badan tahay Phiphly.

Wiilka la diley ayaa magaciisa lagu soo koobay Walanwal waxaana la sheegay inuu ka mid yahay wiilasha uu adeerka u ahaa Abwaanka weyn ee Soomaaliyeed Maxamed Ibraahim Warsame ( Hadraawi).

“Xalay ayaa la diley saaka ayaa meydkiisa la arkay ma garan karno cida ka dabeysay dilkiisa” waxaa sidaasi sheegay gabar kamid ah dadka deegaanka.

Jaalliyadda Soomaaliyeed eek u dhaqan wadaka Koonfur Afrika ayaa waxaa ay yihiin kuwo dhibaato dhan kasta leh kala kulmaya kooxo abaabulan oo Koonfur Afrikaan ah kuwaas oo dil. dhac iyo handadaad joogto ah ku haya dadla Soomaaliyeed eek u nool dalkaasi.