LIVE DHAGEYSO:- Colaadii Guriceel oo Maanta la soo Afjarayo.

0

Wararka ka imaanaya Degmada Gurceel ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta lagu wado in la soo Afjaro Colaadii Mudooyinkaan ka jirtay Degmada ee u dhaxeeyasa Ciidamada Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Ahlusunna.

Wadahadalka ayaa waxaa Garwadeen ka ah Wasiirka Gaashaandhiga Xukumadda Soomaaliya Gen C/qaadir Sheikh Cali Diini oo maalmahaan ku sugnaa Gurceel,kulamo gooni gooni ahna la qaatay Ahlusunna iyo Maamulka Dowladda Soomaaliya ee Gobolka Galgaduud.

Dhanka kale Wararka ayaa sheegaya in Qodobada qaar ee la doonayo in colaada lagu soo Afjaro la isku mari waayay,waxaana kamid ah Dalab Ahlusunna ka soo baxay oo ahaa in Ciidamada Dowladda Soomaaliya laga Raro Xero ku taala Duleedka Gurceel oo ay Dhuusomareeb ku laabtaan,iyadoona la soo sheegayo in ay Saraakiisha Dowladda ay Dalabkaasi diideen.

Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in ay Qodobo Muhiim ka soo baxaan islamarakaana Heshiis laga gaaro Colaada Gobolka galgaduud.

Halkaan Hoose ka dhageyso: