LIVE DHAGEYSO:- Hooyo wiilkeeda lagu haysto Gudaha dalka Liibiya.

0

Dadka tahriibayaasha ah waxa ay la kulmaan dhibaatooyiin aad u badan, kuwaas oo marar badan laga hadlay.

Saxaaraha u dhexeeya Sudan iyo Liibya oo ah meesha ugu badan ee ay maraan tahriibayaasha Bariga Afrika ka ambabaxa ayaa la sheegaa inay tahay wadada ugu dhibka badan.

Waxaa la sheegaa in dadka ku tahriiba halkaasi in la afduubto lagana qaato lacago madax furasho ah, waxayna arrintaasi ku dhacday dad badan oo Soomaali ah.

Sidoo kale kuwa ka badbaada halkaasi waxay maraan badda iyadoo qaar ay ku dhintaan halka kuwana ay ka gudbaan.

Baarlin Diiriye Nuur, waa hooyo dhashay wiil kamida dadka tahriibayaasha ah ee galay wadanka Libiya, waxaana la la’yahay meesha uu ku dambeeyay.

Dhowr jeer ayaa kooxo afduubtay wiilkeeda ay la xiriireen, waxayna weydiisteen lacag madaxfurasho ah.

Hoos ka dhageyso: