LIVE DHAGEYSO:- Howlgalo amaanka lagu xaqiijinayo oo ka socda Muqdisho.

0

Afhayeenka Booliska Soomaaliyeed Khaasim Axmed Rooble oo la hadlay warfidiyeenada ayaa sheegay in Ciidamada Booliska habeen iyo maalin u taagan yihiin inay sugaan amaanka dadka iyo dalka,isagoona sheegay in Ciidamada ay wadaan howgalo amaanka caasimada lagu xaqiijinayo. 

Afhayeenka Ciidamada Booliska ayaa tilmaamay in ujeedka howlgalada Muqdisho ka socda ay yihiin sidii looga hortagi lahaa weeraro wuxuu ugu yeeray cadowga Umada Soomaaliyeed ay ka fuliyaan Muqdisho.

Khaasim Axmed Rooble
Khaasim Axmed Rooble


Ciidamo Afka duuban oo ka tirsan Nabad sugida Soomaaliya ayaa maalmihii u danbeeyay lagu arkayay iyagoo taagan inta badan Isgosyada magaalada kuwaasi oo dadka iyo gawaarida si feejigan u baaraya,waxaana arintaan ay ka danbeysay ka dib markii weerar qaraxyo ah lagu qaaday Hotel Central oo ku yaalo magaalada Muqdisho.

Hadalka Afhayeenka ayaa ku soo aadaya,xilli maalintii shalay Muqdisho lagu qabtay qarax lagu soo qariyay Mooto Bajaaj oo mudooyinkii danbe Muqdisho ku soo badaneysa,taasi oo meesha ka saartay inta badan raacitaankii BL-ka.

Hoos ka dhageyso: