LIVE DHAGEYSO:- Shirkii Dib Uheshiisiinta Ee Dhuusamareeb Oo Maanta La Soo Gaba Gabeeyay.

0

Cabdiraxmaan Maxamed Nuur Diinaari oo ah gudoomiyaha shir gudoonka shirka ka socda degmada Dhuusa Mareeb, ahna musharax Madaxweyne maamulka loo dhisayo gobalada Mudug iyo Gal-gaduud ayaa faah faahin ka bixiyay shirka ka socda degmadaasi iyo wixii qabsoomay.

Waxa uu sheegay Diinaari in mudada uu shirkaan socday laga gaaray natiijo wax ku ool ah, islamarkaana beelo badan oo horay u dagaallamay ay heshiis wada gaareen.

“Shirka ka socda Magaalada Dhuusa Mareeb waxaa la dhihi karaa waxa uu ku tallaabsaday guulo dhaxal gal ah, ka dib markii uu isku keenay beelo wada dega gobalada Mudug iyo Gal-gaduud, waxaa kasoo baxay heshiisyo dhaxal gal ah ay beel wada gaareen, waxay sameyteen heshiis qoraal ah, beelo badan ayaa ku kulmay, hadana waxa uu u gudbay marxaladii ugu xasaasisaneyd” ayuu yiri Diinaari.

Dhinaca kale gudoomiyaha shirka Dhuusa Mareeb, ayaa sheegay in shirkaan mudadii uu socday sidoo kale bar bar socotay shaqooyin kale oo odayaashii kulansanaa qabteen sida joojinta dagaalka Guriceel, iyo beelo kale oo ku dagaalami lahaa Ceel-biyood.

Mar uu soo hadal qaaday diyaar garowga ku aadan shirka degmada Cadaado ayuu sheegay in meel wanaagsan uu marayo, waxaana uu ugu baaqay musharaxiinta ku sugan magaalada Muqdisho in ay tagaan degmada Dhuusa Mareeb oo ay dib u heshiisiinta qeyb ka qaataan, meeshana ay ka saaraan sida uu sheegay hamiga ah in qarash la qaato oo cod lagu gato, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Halkaan Hoose ka dhageyso wareysiga Diinaari: