LIVE KISMAAYO:- Waasidee Xaaladda Maanta iyo Cabsi ka Jirta Magaaladaasi + Akhri Xog.

0

Sida la wadda ogsoonyahayba dilalka qorsheysan oo ciidamada Axmed Madoobe ka geysanayaan magaaada Kismaayo lagu bartilmaameydsado kaliya hal beel oo degta Jubbooyinka iyo Gedo.

Waxa Haatan Kismaayo ka socda ayaa lagu tilmaami karayaa in ay yihiin  isir naceyb oo ay wadaan Maleyshiyaadka Maamulka KMG ee Jubba, Ee Uu Wato Axmed Madoobe.

Maleeshiyaadka Raaskambooni ayaa afduubtay gabar dhawaan ka soo laabatay qurbaha oo ku sugneyd magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Xasuuq iyo dhac ayaa socda mid xeebta ayaa laga helay, maamulka isirnaceyb ayaa mesha ka socda, gabar dibada ka timidna wey afduubteen, haddana maamul baa la dhisayaa baa la leeyahay, yaa maamul loo dhisayaaaa”.ayuu yiri mid kamid ah waxgaradka Jubbooyinka.

Dhibanaha Koowaad ee Jubooyinka kajiro ayaa ah beelweynta Sade oo ah Beesha ugu Deegaanka Badan Gobolada Jubaland, aritnaasine waxaa wada Axmed madoobe oo Beesha Kulajiro Loolan awoodeed isagoo taageero hiil iyo hooba leh kahelay Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah hawl-galka AMISOM.

Sikastaba Beelweynta Sade ayaa u diyaarsan ineey dagaal lagasho Hogaamiye Beeleedka Raaskaambooni ee Axmed Madoobe, iyadoo fal celinta Dilalka iyo dhaca qorsheysan ee lagu haayo bulshada ku abtirsata Beesha Sade dhawaan la arki doono.

Xaaladda Saaka Maahan Mid Dagan Walow Dadku Ay Wadnaha Farta ku hayaan oo ay ka cabsi qabaan weerarro kale oo oga yimaaddo kooxda isir naceybka ah ee Raaskanbooni.

Goor dhow filo cadeymo rasmi ah oo Aan idin soo gudbin donno Wareysiyo iyo Sawirro.