Maamul Gobaleed Cusub Oo Looga Dhawaaqi Rabo Kenya (Siyaasiyiin aad aqoonsan doonto ayaa hogaaminaya..)

0

Casha-Axmed-Cabdalla-1Waxaa heer gabo gabo ah maraya qabanqaabadii ugu dambaysay ee loogu diyaargaroobayo qabsoomidda Shir in badan lasoo abaabulayey oo la doonayo in lagu dhiso Maamul loo dhan yahay oo ay yeeshaan Gobalada Sanaag, Hiland & Galbeedka Barri ee dalkeena Somalia.

Shirkan oo abaabulkiisu socday muddo Saddex-sano ah, ayaa looga gol-leeyahay in iyadoo la tixraacayo rabitaanka iyo ogolaanshaha dadka dega Gobaladaasi iyo daafaha caalamka ku kala nool, kuwaasi oo kawada midaysan in Maamul loo dhan yahay ay yeeshaan si loo helo Maamul ama cid daboosha baahida iyo cabashooyinka ay tabanayaan dadka deegaanka.

SIYAASIYIIN CAAN AH

Waxaa sida iska cadba aalaaba dhacda in maamulada dalka laga yagleelayo ay hormuud u yihiin siyaasiyiin ama shaqsiyaad caan ah, ayaa waxaa sidaasi si la mid ah Maamulkani iminka lagu dhawaaqi doono hogaamiyana mas’uuliyiintan : –

1. Xildhibaan Cawad Axmed Casharo
2. Caasho Axmed C/dalla (oo ah Xildhibaanada dumarka Soomaaliyeed kuwooda ugu caansan uguna afka dheer)
3. Axmed Maxamed Salaad.
4. Axmed C/raxmaan Saciid (Buraale)
5. Maxamed Ibraahim
6. C/laahi Maxamed Geel-jire
7. Max’ed Sheekh C/laahi
8. Maxamed Xasan iyo qaar kale oo aan halkan kusoo koobi karin, balse aan magacyadooda dib idinkugusoo sheegi doono hadduu ALLAHA awoodda lihi qadaro.

Shirka halkuu ka dhacayaa..?

Waxaa sida la qorshaynayo shirkani caalamiga ah oo ay kasoo xaadiri doonaan siyaasiyiin, aqoonyahano, iyo marti sharaf culculus oo ka kala iman doona dalka gudihiisa iyo dunida dacaladeeda, ayaa waxaa uu 15 April 2015 ku qabsoomi doonaa Magaala madaxda dalka Kenya ee Nairobi.

FG : Haddii aad doonayso macluumaad ama faafaahin shirkan ku saabsan waxaad kala xiriiri kartaa : –

Mudane Maxamed Sheekh C/laahi
Mobile : 27611226701
E-mail : mcaxmed607@gmail.com