CAAWA & MUQDISHO : Dukaameysiga Habeenkii {Warbixin Xiiso Leh}

0

Muqdisho_Super_Market_WakaaladaMOGADISHU, Somalia (Allgalgaduud.com) – Sanadooyin kahor in xiliyada Habeenkii ilaa xili danbe laga dukaameysto Muqdisho, waxay ahayd mid riyo ah, laakiin hada taas waxay isku badashay mid dhab ah, waayo dukaamada Iyo Shopping Mall-yada Muqdisho waa kuwo furan ilaa xili danbe Habeenkii, dadkuna si caadi ah ayay uga dukaameystaan.

20-kii sano ee lasoo dhaafay ee ay jireen dhibaatooyinka iyo dagaalada sokeeye, Muqdisho waxay ahayd mid habeen iyo maalin rasaas ka dhacdo, noloshana waxay ahayd mid ku eg maalinki oo kaliya.

Laakiin hada xaalada waxbaa iska badalay, waxaa dib loo dhisay Laamiyada Mmuqdisho, waxaana la geliyay leerarka cadceeda qoraxda ku shaqeeya, taasoo qeyb ka ah dib usoo noqoshada nolosha iyo iftiinka Caasimada.

Nabaad Supermarket, oo ah dukaan ku yaal bartamaha Muqdisho, gaar ahaan wadada Maka Al-mukarama, ayaa waxa uu kamid yahay dukaamada loosoo shopping tago ee furan xiliyada habeenkii ilaa 10:00.

“Waxaan go’aansaday inaan wax cusub kusoo kordhiyo magaalada labadii sano ee lasoo dhaafay, kadib markii aan daraasad ku sameeyay suuqa ogaadayna, in Muqdisho uusan ka furneen Super Market furan ilaa xili danbo oo habeenkii ah, goobaha kale ee ganacsi waxaa la xiraa galbihi” sidaa waxaa yiri said Ali Munin, oo ah milkiilaha Nabaad Supermarket.

said Ali Munin, waxa uu sheegay in alaabta uu iibiyo uu ka keeno dalalka China iyo Imaaraadka, suuq fiicana ay u yeelatay alaabtiisa, waxa uu sidoo kale sheegay, in dadku ay jecelyihiin ineey xiliyada habeenkii dukaameystaan, kadib markeey kasoo faraxashaan howl maalmeedkooda.

Sidoo kale waxa uu sheegay, in ay sameeyaan adeegyo dadka Guryahooda loogu geeynayo waxa ay dalbadaan, halkii ay imaan lahaayeen dukaana.

 

“Waxaan ogaaday in dadka ay aad wax kaaga iibsanayaan markaad leedahay adeeg qofka goobtiisa ama gurigiisa loogu geeynayo waxa uu rabo”…

Amaanka Caasimada ayaa ahaa mid soo hagaagayay sadaxdii sano ee lasoo dhaafay, waxaana jira maalgashiyo iyo goobo ganacsi oo si xowli ah uga socda magaalada.