R/wasaarihi Hore Ee Soomaaliya Dr. Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) Iyo Marwo Caasho Xaaji Cilmi Oo Booqday Dadkii Ku Soo Dhaawacmay Qaraxii Hotel Central…

0

Wararka naga soo gaaraya magaalada Abu Dhabi ee xarunta dalka Isutaga Imaaraad Carabta (UAE) ayaa waxa ay sheegayaan in R/wasaarihi Hore ee Soomaaliya Dr. Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo Marwo Caasho Xaaji Cilmi ayaa waxa ay caawa ku booqdeen Isbitaalka Sheekh Zaayid Military Hospital dadkii ku soo dhaawacmay qaraxii ka dhacay Hotel Central ee magaalada Muqdisho.

R/wasaarihi Hore Ee Soomaaliya Dr. Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo ay weheliso Marwo Xildhibaan Caasha Xaaji Cilmi ayaa xalay waxa ay booqdeen dadkii ku soo dhaawacmay qaraxii ka dhacay Hotel Central ee magaalada Muqdisho, waxa ayna mid mid ulla kulmeen dadkaas oo qabay dhaawacyo kala duwan.

“R/wasaare Saacid iyo Xildhibaan Caasha waxaan caawa idiin soo booqanay inaan idinla qeybsano xanuunka iyo dhibta idin soo gaartay, waxaana Allaah Subxaanahu Watacaalaa idiinka baryeynaa inuu idin siiyo caafimaad Sariico ah”. ayay yiraadeen R/wasaare Saacid iyo Xildhibaan Caasha.

Dr. Saacid ayaa waxa uu baaq u diray dhamaan Ummada Soomaaliyeed inay meel uga soo wadajeestaan ururka Argagixisada ah ee Al Shabaab, shacabkana aysan Dowladda oo qura aysan ku haleeyn Ammaanka ee ay la shaqeeyaan si loo cirib tiro cadwoga Ummada Soomaaliyeed.

Dhinaca kale R/wasaarihi Hore Dr. Saacid ayaa waxa uu u mahad celiyay Dowladda iyo shacabka Isutaga Imaaraadka Carabta (UAE) sida ay ugu taagan yihiin garabsiinta Dadka iyo Dalka Soomaaliya, waxa uuna sheegay inuu rajeenayo xiriirka labada dal inuu meel aad u sareyso gaaro.