Sababta & Sirta Uu Ka Furmi La'yahay Shirka Gobalada Dhexe Oo La Cadeeyey

0

dhuusamareebDHUUSAMAREEB, Somalia (Allgalgaduud.com) – Madaxa Amniga Guddiga farsamada maamul u samaynta gobolada Galgaduud iyo koonfurta Mudug Cawke Xaaji Cabdiraxmaan ayaa saxaafada u bandhigay sababta ay u furmi la yahay shirka maamul u samaynta gobolada dhexe oo bishan bilowgeeda lagu balan sanaa.

Cawke ayaa sababta u furmi la yahay ku sheegay caajis iyo shaqo gudasho la’aan ay sameeyeen guddiga farsamada iyo khilaafaad ka dhextaagan guddiga, Isagoo si toos ah u carabaabay gudoonka guddiga oo uu sheegay in ay u jan jeereen dhanka siyaasada

Shaqada guddiga ayuu sheegy in ay tahay sidii ay u fududayn lahaayeen in shirku qabsooma iyagoo diyaarinaya xarunta shirka uu ku furmayo ee Cadaao, Amaanka ergooyinka ka soo qayb galay iyo goobaha ay ku sugnaan doonaan ergooyinka inta shirku socdo.

Ugu dambayn wuxuu sheegay hadii carqaladan hortaagan furitaanka shirka ay ka waan toobaan guddiga farsamada oo ay ka soo jeestaan siyaasada, go’aan ayaa laga qaadan ayuu yiri guddiga farsamada.

Dhawaan ayey guddiga farsamadu sheegeen in dib u dhac ku yimid furitaanka shirka maamul u samaynta gobolada dhexe oo ka furmi lahaa magaalada Cadaado sababo la xiriir dib u dhac ku yimid diyaar garowga. Waxaana hareeyey dib u dhaca shirka colaadda Guriceel iyo shirkii nabadeynta Dhuusamareeb ka furmey oo aan weli la soo afmeerin