Sanad dib u dhac ah oo soo maray Muqdisho{Dhageyso Warbixin}.

0

Iyadoo maanta hal sano laga joogo markii uu xilka la wareegay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqo Muqdisho Xasan Maxamed Xusen Mungaab ayaa waxaa lagu eedeynayaa in Maamulka Gobolka uusan fulin balanqaadyo uu horay u sameeyay.

inta uu shaqeynayo Maamulka Mungaab waxaa ciladoobay qaar kamid leerarka cadceeda ku shaqeeya iyo samaafarayaasha , walina waa ay cildeysan yihiin.

Wadada Maka Al-Mukarama oo ay isticmaalaan inta badan Madxada Dowladda ayay ku yaalaan Leerarka iyo samaafarayaasha fariistay

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen Mungaab ayaa sanad kahor markuu xilka kala wareegayay Gudomiyihii ka horeeyay Tarsan ku dhawaaqay inuu diirada saarayo Sugida Amniga islamarkaana isaga la hoosgeynayo Hay’adaha Amniga Gobolka,balse taasi ma aysan fulin,oo Al-Shabaab ayaa dharaarcad Weeraro kusoo qaaday caasimada Muqdisho

hadaba Wariyaheena Cumar Xasan Cali ayaa warbixinta soo socota ka diyaariyay Maamulka Gobolka Banadair oo lagu eedeynayo inusuan wax qaban mudada sanadka ah ee Mungaab uu hogaaminayo iyo balanqaadkii uu sameeeyay markii uu xilkaa la wareegay Gudoomiyaha.

Halkaan Hoose ka dhageyso Warbixinta: