(Sawiro) Dowladda Talyaaniga Oo Gadiidka Ciidan Ku Wareejisay Dowladda Federaalka.

0

Dowladda Talyaaniga ayaa maanta waxa ay dowladda Federaalka ku wareejisay gaadiid nooca ciidanka ah, ka dib Munaasabad ka dhacday Dekada Magaalada Muqdisho.

Gaadiidkaan ayaa gaaraya 54, oo u badan gaadiidka waaweyn ee ciidanka qaada, kuwaas oo dekadda Muqdisho laga soo dejiyay, waxaana adeegsan doona ciidamada qalabka sida ee dowladda Federaalka.

Munaasabadaan ayaa waxaa ka qeyb galay Taliyaha ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed Daahir Aadan Cilmi Indha Qarshe oo dowladda Talyaaniga Kaga mahad celiyay gaadiidkaan ay ciidanka xooga dalka ugu deeqday.

hadlay Bernando Mencaraglia oo sarkaal ka socday wasaaradda Gaashaandhiga ee dowladda Talyaaniga ayaa sheegay in gaadiidkaan qeyb uu ka yahay balanqaadyo ay dowladda Talyaaniga horay ugu fidisay dowladda Soomaaliya.

Halkaan Hoose ka daawo sawirada.

?????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????