(Sawirro) Chelsea oo ku guuleysatay Capital One iyo Mourinho oo qaaday koobkiisa u horeeyay kadib soo laabashadiisa.

0

Kooxda Chelsea ayaa ku guuleysatay koobka loo yaqaano Capital One, kadib markii ciyaartii Finalka ay 2-0 uga badisay kooxda ay isku magaalada yihiin ee Tottenham.

Ciyaar si aad ah loo sugayay oo ka dhacay garoonka Wembley Stadium ayay Chelsea ku qaaday koobkan bilowga u ah xilli ciyaareedkan.

Tababare Jose Mourinho ayaa kooxdiisa Chelsea la qaaday koobkiisa u horeeyay tan iyo markii uu dib ugu soo laabtay kooxda sanadkii 2013.

Kabtanka Chelsea John Terry ayaa hogaanka u dhiibay kooxdiisa daqiiqado ka hor inta aanay qeybta koowaad dhamaan, waxaana goolkaas uu ahaa mid uu kaga faa’ideystay dayacaada daafacyada Tottenham, kadib koorno la soo tuuray oo inta difaac ku noqotay uu lug ku dhaliyay.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa ku soo dhamaaday 1-0 oo ay ku hogaamineysay Chelsea, balse qeybta hore waxaa la muuqday Chelsea in aad u caaboneyd, isla markaana qaab difaac adag ahna ciyaareysay, markii Tababare Mourinho uu shan ka mid ah daafacyadiisa soo geliyay garoonka.

Qeybta labaad ayayna waxba iska bedelin, marka laga reebo dhaq dhaqaaq ay sameynayeen ciyaaryahanada Tottenham, balse waxaa heystay dhameystir la’aan.

Ciyaaryahan Deigo Costa ayaa kubad uu tuuray waxaa iska dhaliyay daafaca Tottenham Walker, waana gool niyad jebiyay kooxda Tottenham.

Gaba gabadii ciyaarta ayaa garsooraha ciyaarta uu yeeriyay seeriga, markaas kadibna waxaa is qabsaday sawaxan iyo mashxaro ay sameynayeen ciyaartoyda iyo taageerayaasha Chelsea.

Tababare Jose Mourinho ayay ka muuqatay qiiro aad u weyn iyo farxad, waxayna guushan u aheyd mid uu aad ugu haminayay in koobkiisa u horeeyay u qaado kooxdiisa, tan iyo markii uu dib ugu soo laabtay bishii July ee sanadkii 2013.

Ku guuleysiga koobkan ayaa waxaa u weheliyay maanta kooxda Chelsea iyadoo ay guuldaro la kulantay kooxda ku soo xigta horyaalka Ingiriiska ee Manchester City.

Liverpool ayaa 2-1 uga badisay Man City waxana ay taasi ka dhigtay in Chelsea ay hogaanka ku hayso 5 dhibcood oo nadiif ah welina ay haysato hal ciyaar.

Kulan kale oo maanta la ciyaaray ayaa kooxda Arsenal waxa ay uga badisay 2-0 kooxda Everton waxayna Arsenal iskeentay kaalinta 3aad ee kala horeynta horyaalka.

 

2638681A00000578-2974579-image-a-250_1425233484991 2637445200000578-2974579-image-a-156_1425229170213 263867EF00000578-2974579-image-a-245_1425233465276 263815D600000578-2974579-image-a-174_1425230689823 26387E0900000578-2974579-image-a-268_1425234130372 26387BEC00000578-2974579-image-a-266_1425234071769 26386C4C00000578-2974579-image-a-257_1425233602337 26382CBA00000578-2974579-Diego_Costa_fires_home_Chelsea_s_crucial_second_goal_as_Kyle_Wal-m-183_1425231035275 26372F9E00000578-0-image-m-146_1425228620603 2636D12500000578-0-image-m-150_1425228879154 2636D81D00000578-0-image-m-147_1425228699367