(Sawirro) Madaxweynaha Puntland Oo Gaaray Kismaayo.

0

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta Jubada Hoose

Waxaanna Garoonka Diyaaradaha ee magaaladda kismaayo ku soo dhaweeyay Xumna ka Tirsan Hogaamiyayaasha Kooxda Raaskanbooni Ee Kismaayo.

Mudo Sadex Barri ayey qaadan doontaa Booqashada Madaxweyne Gaas uu ku joogay Magaallo Xeebeedka Kismaayo.

Waa booqashadii ugu horreysay oo madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas uu ku tago magaalada Kismaayo tan iyo markii xilka loo doortay horraantii January ee sanadkii la soo dhaafay.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay inuu casuumaad rasmi ah ka helay hoggaamiyaha Raaskanbooni Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Imaanshaha Gaas ee Kismaayo Ayaa dhanka kale ku soo aadaysa iyadoo magaaladaasi ay ka dhacayeen falal lid Ku Ah Xaquuqda aadanaha Oo Ciidamadda Axmed madoobe ay ku dhibaateynayaan shacabka Qaar Ee Kismaayo.

Daawo sawiradda Gaas:

 gaas-kismayo-1  gaas-kismayo-8 gaas-kismayo-7 gaas-kismayo-6 gaas-kismayo-5 gaas-kismayo-4  gaas-kismayo-9