Sawirro: Madaxweynaha Puntland Oo Maanta Booqday Dekedda Magaalada Kismaayo…

0

Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo safar ku jooga magaalada Kismaayo ayaa maanta waxa uu kormeer ku tagay dekada Magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose.

Gaas iyo wafdigii la socday waxaa Dekadda kusoo wareejiyay qeybaha ay ka kooban tahay Horjoogaha Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni Axmed Madoobe.

Xilliga dekada uu Gaas uu booqanayay waxaa si caadi ah uga socotay howlaha shaqo ee Dekadda Kismaayo, waxaana sidoo kale halkaasi ku xirnaa doonyo ganacsi.

Madaxweyne Gaas ayaa maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni ku amaanay sida dar darta leh ee ay howsha u wadaan, waxaana uu kusii booriyay in ay intaan kasii ballaariyaan horumarada socda ee ay wadaan .

Isku soo wada duuboo Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maalintii shalay ahayd waxa uu safar ku tagay magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose.

Hoos Ka Daawo Sawirrada…

kis3

kis4

kis kis1

kis2 kis5 kis6