(Sawirro) Safiirka Mareykanka u fadhiya Kuuriyada Koonfureed oo la dhaawacay.

0

Safiirka Dowladda Mareykanka u fadhiya dalka Kuuriyada Koonfureed Mark Lippert, ayaa la dhaawacay kadib markii nin Kuuriyaan ah uu weeraray sida ay sheegeen Saraakiisha ammaanka dalkaasi.

Dhaawaca loo geystay safiirka ayaanan aheyn, mida daran oo waxaa la arkaayay isaga oo lugeynaya, waxaana uu dhaawaca kasoo gaaray dhanka Wajiga, kadib markii rag ay ku weerareen Mindi iyo sakiin.

Safiirka Dowladda Mareykanka u fadhiya dalka Kuuriyada Koonfureed , ayaa dhaawaca wajiga kasoo gaaray, waxaa la arkaayay isaga oo dhiig uu  ka daadanaayo oo ay ku yaacsan yihiin xubno kale oo Kuuriyaan ah si dhaqtarka loo geeyo.

Dowladda Mareykanka ayaa cambaareysay falkaasi lagu dhaawacay safiirkeedii dalka Kuuriyada Koonfureed, waxaana afhayeen u hadlay Dowladda Mareykanka ay sheegtay inay aad uga xun yihiin dhaawaca loo geystay Safiirka Dowladda Mareykanka u fadhiya dalka Kuuriyada Koonfureed Mark Lippert.

Dhaawaca kasoo gaaray dhanka wajiga ayaa looga daaweynayaa Isbitaal ku yaalo dalkaasi, waxaana amnigiisa si weyn u sugaya ciidamada Booliiska dalkaasi.

Ciidamada ammaanka ayaa qabtay ninkii ka dambeeyay dhaawaca safiirka loo geystay, waxaana xilliga la dhaawacaayay Safiirka uu u fadhiyay cunista raashin.

Hoos ka daawo sawiradda.

14 24 34 44 004405433-d9410947-60c1-48c5-9b81-38c132561cdd 538531960 article-seoul3-0304 south-korea-ambassador-hurt U.S. Ambassador to South Korea Lippert leaves after he was slashed in the face by an unidentified assailant at a public forum in central Seoul