(Sawirro) Wafdi uu Hoggaaminayo Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo gaaray degmada Guriceel iyo Ahlusunna Oo Soo Dhaweysay.

0

Guriceel,Galgaduud, March 2, 2015….Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Difaaca Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini, ayaa maanta gaaray magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud, waxaana soo dhaweeyay masuuliyiinta gobolka Galgaduud, Xildhibaano Saraakiil iyo odayaal dhaqan.Waxana ujeedka socdaalka wafdiga uu yahay sidii xal looga gaari lahaa dagaalladi dhawaan ku dhex maray magaalada Guriceel Ciidamadda dowladda Soomaaliya iyo kuwa Ahlusunna.

Wasiirka Difaaca ayaa kulamo gooni-gooni ah la qaatay saraakiisha Ciidmadda dowladda Soomaaliya ee ku sugan magaalada Guriceel iyo kuwa Ahlusunna, waxana uu Wasiirku kala hadlay sidii xal looga gaari lahaa colaada ka taagan deegaanka, isagoo kormeer ku tagey goobihii dagaalladu ay ka dhaceen, wuxuna mahadcelin u jeediyay odayaasha iyo ganacsatada isku howlay sidii arrintan xal ugu heli lahaayeen.

Wasiirka oo Saxaafadda kula hadlay degmada Guriceel ayaa sheegay ujeedka socdaalkiisu uu yahay sidii xal waara looga gaari lahaa dagaallada uu dhiiggu ku daatay, wuxuna tilmaamay gacan ka hadalka khasaaraha nafeed dhaliyay  uu u baahan yahay in lagu xaliyo wada xaajood iyo isqancin.

“Waxaan u nimid in aan horsed u noqono nabadda iyo wadajirka dadka walaalaha ah ee dagaalamay, ma jirto nabad cid noo keenaysa intiinaan ayaa laga rabaa xalka, Soomaaliya waayo aragnimo ku filan dagaal iyo gacan ka hadal waa leedahay waxa laga dhaxlayna waad ogtihiin, waxaan aad uga xumahay in ciidankii difaaci lahaa dalka uu shacabkii ku dhex dagaalamo, dhamaanteen waajib ayaa naga saaran in aan raadino xal ka duwan gacan ka hadalka”.

“Dalka Soomaaliya wuxuu soo maray 24-kii sano ee lasoo dhaafay colaado, Abaaro, qalalaase siyaasadeed oo  horseday bur-bur soo gaara haykalkii dowladnimo ee dalka, waa inaan dhamaanteen u wada istaagnaa samatabixinta dalka iyo dadka. Waa inaan meel uga soo wada jeedsano sidii wixii dhacay aan wada hadal ugu dhameyn lahayn, gobolka Galgaduud wuxuu kamid yahay gobolladii ay colaaduhu la haraan gacantiina ayay ku jirtaa nabad iyo horumarka gobolka”ayuu yiri Wasiirka Difaaca oo intaasi ku daray gacan ka hadalkii hore ee dhiigu ku daatay in looga gudbi karo wadaxaajood loo dhan yahay iyo wada hadal nabadeed.

                                                                    —-DHAMMAAD–

IMG_7068 IMG_7070 IMG_7078 IMG_7086 IMG_7090 IMG_7116 IMG_7122 IMG_7144 IMG_7151 IMG_7173 IMG_7217 IMG_7226 IMG_7233 IMG_7237 IMG_7242 IMG_7256 IMG_7261 IMG_7276 IMG_7284 IMG_7286 IMG_7291 IMG_7293 IMG_7323 IMG_7351