(Sawirro) Wasiirka Arimaha Dibadda oo la kulmay Madaxa UNHCR ee Soomaaliya.

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Abdusalam Hadliye Omer ayaa maanta ku qaabilay Xafiiskiisa Alessandra Morelli oo ah Wakiilka hey’adda Qaramada Midoobey ee arrimaha Qaxootiga (UNHCR) u qaabilsan Soomaaliya , oo ay ka wada hadleen kaalinta hey’adaasi ay ka qaadato arrimaha qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool wadamada Kenya , Ethiopia , Djibouti iyo Yemen .

Dr. Abdusalam Hadliye Omer ayaa sheegay in Soomaaliya ay hiigsaneyso sidii ay u soo ceshan laheyd kaalintii ay ku laheyd gobolka bariga Afrika , si ay u noqoto dowlad nabadda iyo deganaanshaha ku caan ah , kana maran loolan dhiig ku daato iyo dagaalo sokeeye .

Alessandra Morelli ayaa dhankeeda sheegtay in kaalmooyin samafal ay gaarsiiyaan qaxootiga Soomaaliyeed , si loo yareeyo dhibaatooyinka ku heysta dalalka shisheeye .

Kulankani oo ku dhammaaday jawi isfaham leh , ayaa waxaa goob joog ka ahaa qaar ka mid ah La taliyeyaasha Xafiiska Wasiirka .

Daawo sawiradda:

DSC_8148

DSC_8149

DSC_8151

DSC_8154

DSC_8155

DSC_8156

DSC_8157

DSC_8158

DSC_8159