(Sawirro) Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kala hadlay hey’adda WFP fidinta gurmad degdeg ah oo samafal.

0

Mogadishu, March 04, 2015 -Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Dr. Abdusalam Hadliye Omer ayaa maanta ku qaabilay Xafiiskiisa agaasimaha Barnaamijka Cunnadda Adduunka ( WFP) u qaabilsan Soomaaliya Laurent Bukera oo ay ka wada hadleen xaaladda cunna yari ee heysata barakacayaasha iyo dib u dejin loo sameeyo dadka saameyntu ku yeeshay colaadaha sokeeye ee dib uga soo cusboonaaday qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya .

Dr. Abdusalam Hadliye Omer ayaa muujiyay in Soomaaliya oo guda-gashay xilliga jiilaalka ay aad ugu baahi qabto gargaar bani’aadanimo si looga hortago dhibaatooyin bani’aadanimo oo hor leh , iyadoo xilliyadii ugu dambeeyay roobku ahaa mid aad u yar , taasoo sabab u noqotay  in hoos u dhaco wax soo saarka beeraha .

Laurent Bukera ayaa dhankiisa balan-qaaday inay kaalin balaaran ka qaadan doonaan fidinta gurmad degdeg ah oo cunno si looga gaashaanto gaajo iyo nafaqa darro ku dhacda haweenka , caruurta iyo dadka da’da ah.

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda 

IMG_0598 IMG_0599 IMG_0600 IMG_0601 IMG_0603 IMG_0604 IMG_0605 IMG_0606