(Sawirro+Dhageyso) Dowladda Puntland oo soo afmeertay colaadii dhextaalay labo beelood oo walaalo oo kuwada nool Karkaar.

0

Puntland ayaa ku guulaysatay in ay soo afjarto colaad in muddo ah dhextaalay labo beelood oo walaalo ah oo kuwada nool deegaano hoos yimaada gobolada Bari iyo Karkaar. Colaadaas oo sababtay dhimashada in kabadan 50 ruux isalamarkaana sababtay burbur iyo barakac shacab.

Munaasabad lagusoo gabagabaynayay wajiga koowaad ee dib u heshiisiinta labadaan beelood ayaa maanta lagu qabtay xarunta hay’adda PDRC, halkaas oo muddo labaatan cisho ah uu shir nabadayn ah uga socday ergo ka socotay labada beelood.

Wasaaradda arimaha gudaha iyo dowladdaha hoose Puntland ayaa soo qaban qaabisay isku keenida ergada labada dhinac, waxaana kasoo qeyb galay madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Eng, Camey, wasiirka arimaha gudaha Axmed Karaash, wasiirka maaliyada Shire Xaaji Faarax, wasiirka shaqada iyo shaqaalaha Cabdiraxmaan Axmed Cabdulle iyo mas’uuliyiin kale oo isugu jiray golayaasha dowladda.

Agaasimaha guud ee wasaaradda arimaha gudaha Maxamed Cali Faarax ayaa madasha munaasabada ka sheegay inay ergadu kala saxiixdeen qodobo dhowr ah oo ay kamid ah tahay in la magacaabo guddiyo nabadeed oo labada dhinac ah. Waxaa kale oo u sheegay  in lagu heshiiyay wixii shirkaan kasoo baxay in la qaato, dowladduna ay fuliso.

Go’aanada kasoo baxay shirkaan waxay kala yihiin.

  •  In lasoo ajfaray colaadii iyo dakanadii mudada dheer soo jiitamaysay.
  •  Inay labada beelood kuwada noolaadaan nabad iyaga iyo ood wadaagooda.
  • Inay labada dhinac kawada shaqeeyaan sidii loo gaari lahaa midnimo.
  •  In qoladii jabisa heshiiska dowlad iyo shacab la isugu tago.
  • Waxaa loogu baaqayaa labada dhinac inay nabada qaataan iskuna cafiyaan alle dartiis.
  • Waxaa loogu baaqayaa labada beelood inay si wadajir rabitaankooda ku gaaraan.
  • Dowladda Puntland waxaa loogu baaqay inay gudato waajibaadkeeda qaran si daacad ah ayna meelmariso go’aadanada ay guddigu gaareen.
  • Waxaa loogu baaqayaa haldoorka labada dhinac inay isugu garabsadaan ilaalinta iyo sixida wixii dhisan iyo wixii qaldamay.
  • Go’aanada laga gaaray wada xaajoodka waxaa looga dhawaaqidoonaa deegaanka Kotmo ee gobolka Karkaar.
  • Wajiga labaad ee shirkaan wuxuu ka dhicidoonaa Kotmo.

Ergada labada dhinac ayaa soo dhaweeyay qodobada kasoo baxay shirkaan nabadaynta ah ee ay dowladda qabatay, waxayna balanqaadeen inay fulindoonaan wixii kasoo baxay si xal waara looga mushilada colaada sababtay.

Wasiirka arimaha gudaha dowladda Puntland Axmed Cilmi Karaash ayaa balanqaaday inay dowladdu fulindoonto wax kasta oo kasoo baxay shirkaan, Wuxuuna odayaasha kula dardaarmay inaan la jabin heshiiskaan sidii horey u dhacday.

Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Eng Camey ayaa sheegay inay dowladnimo ah u wajahayaan wax ka qabashada colaadaha Puntland, Waxaase uu sheegay haddii aan odayaasha balanka furaan inaan waxba suurgalidoonin.

Wuxuu sheegay madaxweyne ku xigeenku dowladda Puntland inay waqti badan iyo dhaqaale xoogan ku bixisay sidii loo afjari lahaa colaadaha ka taagan Karkaar iyo Bari, Wuxuuna ugu dambayn tacsi u diray intii ku dhimatay colaadaas.

Xafiiska warfaafinta wasaaradda arrimaha gudaha Puntland

Daawo Sawiradda.

DSC_0436DSC_0440DSC_0451DSC_0467DSC_0468DSC_0472DSC_0479DSC_0483DSC_0484DSC_0485DSC_0486DSC_0488DSC_0489DSC_0490DSC_0495DSC_0500DSC_0501DSC_0503DSC_0505DSC_0507DSC_0509DSC_0510DSC_0513DSC_0518DSC_0521DSC_0522DSC_0523DSC_0528DSC_0533DSC_0540DSC_0545DSC_0549DSC_0550DSC_0553DSC_0558DSC_0559DSC_0560DSC_0561DSC_0562DSC_0571DSC_0575DSC_0576DSC_0579DSC_0586DSC_0590DSC_0602DSC_0605DSC_0607DSC_0616DSC_0620DSC_0625DSC_0631DSC_0634DSC_0638DSC_0642DSC_0646DSC_0648DSC_0649DSC_0650DSC_0655DSC_0658DSC_0659DSC_0665DSC_0666DSC_0667DSC_0668DSC_0670DSC_0673DSC_0677DSC_0680DSC_0685DSC_0689DSC_0691DSC_0692DSC_0693DSC_0694DSC_0695DSC_0696DSC_0697DSC_0698DSC_0699DSC_0700DSC_0701DSC_0702DSC_0703DSC_0704DSC_0705DSC_0706DSC_0707DSC_0708DSC_0709DSC_0710DSC_0711DSC_0712DSC_0713DSC_0714DSC_0715DSC_0716DSC_0717DSC_0718DSC_0719DSC_0720DSC_0721DSC_0722DSC_0723DSC_0724DSC_0725DSC_0726DSC_0727DSC_0728
DSC_0731DSC_0730DSC_0732
DSC_0734DSC_0737
DSC_0739DSC_0738DSC_0743DSC_0745DSC_0747DSC_0757DSC_0761DSC_0762DSC_0763DSC_0764

DSC_0766