Sawirro:Wasiirka Difaaca Soomaaliya ayaa dardaaran u jeediyay ciidamada dowladda ee dagan Dugsiga tababarka Harqaboobe ee degmada Guriceel.

0

Guriceel, March 4, 2015….. Wasiirka Difaaca Soomaaliya Gen. C/qaadir Sheekh Cali Diini oo maalmahaan socdaal howlleed ku joogay deegaanka Guriceel ee gobolka Galgaduud, ayaa saaka  booqasho ku tagey Dugsiga tababarrada Harqaboobe  ee qeybta 21-aad ee  Ciidanka Xogga dalka Soomaaliyeed, isagoo kulamo la qaatay saraakiisha Xoogga dalka, isla markaana dar-daaran u jeediyay ciidamaddii halkaasi ku sugnaa.

Wasiirka ayaa ugu horeyn kulan la qaatay Saraakiisha Ciidamada ee qeybta 21-aad, isagoo kala hadlay sidii loo dhamayn lahaa dagaalladii dhawaan ka dhacay deegaanka, isla markaana shacabkii magaalada ka qaxay dib loogu soo celin lahaa, waxana ay balan qaadeen in ay ka go’an tahay dhinacooda in xal loo helo dhibaatada.

Taliyaha Qeybta 21-aad ee Ciidamadda Xogga dalka Soomaaliyeed  General, Maxamed Rooble Jimcaale (Goobaale) oo goobta ka hadlay ayaa xusay mar walba in ay u taagan yihiin soo celinta sharafta iyo haybadda qaranka Soomaaliyeed, isla markaana ay diyaar u yihiin dhinacooda wax walba oo xal loogu heli karo dhibaatooyinka deegaanka ka taagan.

Wasiirka Difaaca Soomaaliya Gen. C/qaadir Sheekh Cali Diini, ayaa yiri “Waa inaad illaalisaan Nafta Sharafka, iyo Hantida ummadda, kana difaacdaan dalka caddowga, uuna ugu horeeyo caddowga al shabaab, oo aad muujisaan isku duubni iyo wadaninimo”.

“Ciidanka Soomaaliyeed gobol kasta oo uu joogo waa isku hal hadaf, waana inay dalka ka xoreeyaan caddowga, ayna difaacaan Qaranimada iyo xaduududaha dalka Soomaaliya, waxaana la idinka doonayaa in aydaan ka leexan hadafkaas” ayuu yiri ugu dambeyntiina Wasiirka Difaaca.

Hoos Ka Daawo Sawirrada…

IMG_7536 IMG_7551 IMG_7554 IMG_7559 IMG_7567 IMG_7570 IMG_7582 IMG_7595 IMG_7605 IMG_7634 IMG_7647