Tacsi tiiranyo leh oo ku socota qoyska reer Xaaji Faarax ( Dab-casar),

0

INAA LILLAAHI WA INNAA ELEYHI RAAJACUUN!!!

Waxaa habeenkii Isniinta ahayd oo ku beegan 2.3.2015 magaalada Muqdisho ku geeriyoodey Marxuum Ismaaciil Xaaji Faarax ( Dab-casar, kaasoo maalmihii u dambeysey ku xanuunsanaa isla magaalada Muqdisho.

Hadaba geerida naxdinta leh ee ku timid Marxuumka ayaa iyagoo aad oga tiiraanyeysan waxaa ka tacsiyeynaya dhammaan qoyska reer Jaamac Gerri iyo waxgarad iyo ehelo kale, kuwaasoo aan magacyadooda hoos ku xusi doono.

Ehelada iyo waxgaradka tacsida diraya waxaa ay dhammaan qoyska reer Xaaji Faarax ( Dab-casar) Eebbe oga baryayaan inuu samir iyo iimaan waafi ah Marxuumka kasiiyo, isagana Janadii Fordawsa ahayd ka waraabiyo, kitaabkiisa midigta kasiiyo.

Marxuum Ismaaciil oo ku geeriyoodey magaalada Muqdisho ayaa dhawaan loo qaadey magaalada Caabud-waaq, halkaasoo haddii Eebbe idmo lagu aasi doono.

Waxaa haddaba wax-garadka iyo ehalada tacsida diraya ay magacyadoodu kala yihiin sidatan:-

1). Cabdirsaaq Barre Jaamac-Gerri

2). Col. Cabdi-naasir Xaaji Xaashi

3). Cabdi Xaaji Xaashi (Guufe)

4). Cabdi-casiis Barre Jaamac-Gerri

5). Cabdi-kariim Barre Jaamac-Gerri

6). Guhaad Cilmi Jaamac-Gerri

7). Axmed Cilmi Jaamac-Gerri

8). Mubaarak Amxaar Xaaji Xaashi

9). Cabdi Aadan Guud

10). Cabdirsaaq Faarax Afdheere

11). Cabdirshiid Faarax Afdheere

12). Daahir Faarax Afdheere

13). Shire Cabdi-samad Jaamac

14). Jaamac Faarax Coon-gaab

15). Col. Axmed Warsame Cabdulle ( Biixi)

16). Xasan Cali Bucul

17). Cali Cabdul Isxaaq

18). Cabdi Shire Maxamuud,

19. Maxamed Shire Maxamuud.

Sidoo Kale Waxaa TacsidaN Diraya Dhamaan Dhamaan shaqaalaha iyo Maamulka Shabakadda All-Galgaduud Media , Eheldii iyo Qaraabadii uu ka geeriyooday Marxuum Ismaaciil Xaaji Faarax ( Dab-casar) Waxaan ilaahey oga Baryaynaa inuu Ka waraabiyo janadii fardowso.