TOOS DHAGEYSO:- Ceelbuur: Ciidamada oo u dhaqaaqay Ceel-hareeri.

0

Taliyaha Ciidamada Dowladda ee Degmada Ceelbuur Maxamed Ceeroow ayaa sheegay in ay u dhaqaaqeen Deegaano kale oo ka tirsan Gobolka ay uga saaraan Al Shabaab.

“Ciidamada waxa ay hada ku baxeen Deegaanada Xiindheer iyo Ceel hareeri waxaan dooneynaa in aan la wareegno deegaanadaasi” ayuu yiri Maxamed Ceeroow.

Ciidamada Ethiopia ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ayaa qeyb ka ah Dagaalada la doonayo in lagu qabto Deegaanada wali ku dambeeya gacanta Al Shabaab ee Gobolka Galgaduud.

Hoos ka dhageyso: