TOOS GURICEEL:- Wararkii Ugu Dambeeyay Kulamada Nabad Raadinta Ee Ka Socda Degmada Guriceel (XOG).

0

Degmada Guriceel ee Gobalka Gal-gaduud weli waxaa ka soconaya kulamo xal loogu raadinayo in dagaal dambe uusan ka dhicin degmadaasi.

Guriceel waxaa maalmihii ugu dambeeyay ku ciidamo kala taabacsan dowladda iyo Ahlu Sunna, waxaana ku sugan halkaasi wafdi ka socday xukuumadda Soomaaliya oo uu hoggaaminayo wasiirka gaashaandhiga Jeneraal C/qaadir Sheekh Cali Diini.

Wasiirka ayaa kulamo la qaadanaya waxgaradka degmada Guriceel, ganacsato iyo odayaasha dhaqanka oo arrinta colaadda uu kala hadlayo.

Hotelka Saalax Plaza ayay ka dhacayaan kulamo u dhaxeeya madaxda Ahlu Sunna iyo wasiirka gaashaandhigga waxaana laga wada hadlayaa arrimo ku saabsan sidii dagaallo dambe aysan degmada uga dhicin oo dadkii barakacay loo soo celiyo.

Wasiirka difaaca Soomaaliya Jeneraal C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa shalay booqasho ku tagay dugsiga tababarada ciidanka xoogga dalka Harqaboobe ee degmada Guriceel, taliska 21-aad,  isagoo kulamo la qaatay saraakiisha ciidanka.

Saraakiisha dugsiga tababarada Harqaboobe ee taliska 21-aad ee ciidanka xoogga dalka  ayuu wasiirka kala hadlay sidii loo dhameyn lahaa dagaalada degmada Guriceel ka taagan.

Hadal dardaaran ah oo uu u jeediyay ayuu ku sheegay in loo baahan yahay in ciidanku uu ilaaliyo nabadda iyo sharafka nafta.

Wuxuu tilmaamay in loo baahan yahay in la muujiyo midnimo iyo walaalnimo si dagaal ka dhan ah Alshabaab loo qaado.

Wararka aan ka heleyno degmada Guriceel ayaa sheegaya in wasiirka Labada dhinac uu kala kulmay is faham , sida ay inoo xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan dowladda oo diiday inaan xiganno.

Wasiirka gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya mudane Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini iyo masuuliyiinta Ahlu Sunna ee ku shirsan magaalada Guriceel ayaa la filayaa in isla maanta kulamadooda ay ka soo baxaan war cad oo labada dhinac ah ayna Saxaafadda u soo bandhigi doonaan wixii ay ka wada hadleen.

isha Ku Hay AGGM Oo Kala Soco wixii ku soo kordha.