TOP DHAGEYSO:- Somaliland Oo Sheegtay In Ay Ka Go’an Tahay Qadiyadda Gooni Isku Taagga.

0

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland ayaa sheegay in weli ay ku taagan yihiin fikirkoodii ahaa gooni isku taagga dowlad ka madax banaan Soomaaliya inteeda kale.

Maxamed Biixi Yoonis oo saxaafadda kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in wax wada hadal ah aysan Somaliland la sameyneynin dowladda dhexe inta ay wafdiga dowladda Soomaaliya ku jiraan dad uu ku tilmaamay in markoodii hore ay ka soo jeedaan Somaliland.

Qadiyadda gooni isku taagga Somaliland ayuu wasiirku sheegay in weli ay taagan tahay oo ay iyagu doonayaan in loo wada hadlo dadkii uu gumeysan jiray Talyaaniga iyo dadkii uu Ingariiska ku gumeysan jiray inkastoo uu ka yara gaabsaday habka beelaha.

Wasiir Biixi ayaa ku cel celiyay in marnaba aanay ka qeyb gali doonin wada hadal ay la galaan dowladda Federaalka Soomaaliya inta ay ka dhex muuqdaan xubno uu sheegay in deegaanada Somaliland ay kasoo jeedaan.

Shacabka Somaliland ayuu sheegay wasiir Biixi in ay u tahay guul usoo hoyatay, islamarkaana ay ku weyntahay qadiyadda uu sheegay in gooni isku taagga ay ku raadinayaan.

Dhawaan waxaa baaqday shirkii Dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo maamulka Somaliland, ka dib is faham waa soo kala dhex galay dhinacyada halkaasi ku shiraya.

Hoos ka dhageyso: