TOP NEWS:- Alshabaab Oo qorsheynaysa weeraro Lagu Qaado xarunta Baarlamaanka Kenya iyo Cabsi Jirta.

0

Guud ahaan ammaanka xarunta baarlamaanka dalka Kenya ee magaalada Nairobi ayaa sare loo qaaday kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in ururka Alshabaab uu qorsheynayo inuu weerar ku soo qaado.

Sirdoonka dalka Kenya ayaa sheegay in 12 ruux oo ka mid ah ururka Alshabaab ay qorsheynayaan inay weeraraan xarunta baarlamaanka iyadoo lix ka mid ah raggaasna ay ku sugan yihiin magaalada Nairobi, halka lixda kalana aan la garanayn halka ay joogaan

Sidoo kale sirdoonka dalka Kenya ayaa ka digey in ay dhici karto in gaari waxyaalaha qarxa laga soo buuxiyay loo adeegsado weerarka Baarlamaanka.

Wararka ayaa waxa ay intaa ku darayaan in weerarka uu qorsheyay nin magaciisa ay ku sheegeen sirdoonka dalka Kenya Mr Mohammed Mohamud. Sida aan ka soo xiganay warbaahinta dalka Kenya Mohamud ayaa ka mid ahaa dableydii weerartay magaalada Mandera November 22keedii 2014.

Digniinta ka soo baxday sirdoonka dalka Kenya awgeed ayaa waxaa la kordhiyay ammaanka gudaha iyo dibadda xarunta baarlamaanka iyadoo halkaa la geeyay ciidamo kale.

kenya
Xarunta Baarlamanka Kenya Ee Nairobi

Kusimaha taliyaha ciidamada Booliska dalka Kenya Mr Samwel Arachi ayaa u sheegay jariirada Nation in la kordhiyay ammaanka goobaha muhiimka ah ee dalka Kenya.

Ciidamo ka socda dalka Kenya ayaa ka mid ah ciidamada nabadilaalinta ee AMISOM ee ku sugan dalka Soomaaliya. Saddexdii sano ee la soo dhaafayna waxaa jiray weeraro goosgoos ah oo uu ururka ALshabaab ku qaadayay dalka Kenya.