Top News: Damujadiid Iyo Raaskambooni Oo Kala Dhaqaaqay Kadib Booqashada Cbadiwali Gaas Ee Magaalada Kismaayo…

0

Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in is xulufeysigii curdunka ahaa ee u dhexeeyay Urur Diimeedka Damujadiid ee Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Maleeshiyo Beeleedka Raaksaambooni oo bur buray ka dib Booqashada Madaxweynaha Puntland Cabduwali Gaas ee magaalada Kismaayo.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in safarka Cabdiwali Gaas boorka looga jafay isbaheysigi Puntland iyo Maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ee dhawaanahan ka suulay dhagaha bulsho weynta Soomaaliyeed a dib markii khilaaf soo kala dhexgalay, halka uu meesha ka baxay isbaheysigii urur Diimeedka Damujadiid ee uu ka tirsan yahay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo maleeshiyo beeleedka Raaskambooni.

Urur Diimeedka Damujadiid iyo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxa ay ku fashilmeen dhamaan talaabo walba oo ay iskugu dayayeen inay kula wareegaan awooda dalka intaan la gaarin 2016 iyo kasbashada qaar ka mid ah beelaha saamiga muga leh ku leh Soomaaliya.

Dhinaca kale waxaa caawa la soo sheegayaa in Xarunta Villa Somalia gaar ahaan Xafiiska Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka socdo shir alabaabada u xiran oo ay leeyihiin Madaxweyne Xasan Sheekh iyo xubnaha ugu sareeya urur Diimeedka Damujadiid…

Isku soo wada duuboo waxaan la saadaalin karin halka ay sal dhigan doono Isbaheysigan dib boorka looga jafay ee maamulka Puntland iyo Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni, waxaa sidoo kale la sadaalin karin halka ay miciin bidi doonaan Urur Diimeedka uu ka tirsan yahay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee Damujadiid oo ku fadeexoobay arrimaha Jubbooyika ka dib markii ay la Humbaaleeyeen maleeshiyo beeleedka Raaskambooni…

Waxii Ka Soo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media