TOP NEWS:- Hogaamiyihii Jabhada Al-Nusra Ee Suuriya Oo Duqeyn Lagu Dilay.

0

Hogaamiyihii Garabka Milateri ee Jabhada Al-Nusra ayaa lagu dilay weerar cirka ah oo ay Suuriya ku qaaday Gobolka Idlib.

Sida lagu shaaciyay baraha bulshada hogaamiyaha la dilay oo lagu magacaabo Abuu Xumaam Al-Shami ayaa lala dilay saddex hogaamiye kale.

Telefishinka dowladda Suuriya ayaa soo wariyay in Ciidamada Suuriya ay bartilmaameedsadeen goob uu shir uga socday hogaamiyeyaasha Jabhada Al-Nusra

Al-Nusra oo ka mid ah xoogaga hubeysan ee ka dagaalamaya Suuriya ayaa loo arkayay mudooyinkii u dambeeyay inay xiriir dhow la lahaayeen Al-Qaacida

Sidoo kale Al-Nusra ayaa magacawday saddex hogaamiye kale oo lagu dilay duqeyntii Khamiistii, kuwaasoo lagu kala magacaabayay Abu Musab Falastini, Abu Omar Kurdi iyo Abu Baraa Ansari.

Arbacadii la soo dhaafay ayay Jabhada Al-Nusra ku qaaday weerar xarun sirdoonka ee ciidamada cirka ku leeyihiin magaalada Aleppo, halkaasoo uu bur bur xoogan uu ka dhashay.

Mareykanka ayaa horay ugu daray liiska Ururada Argagixisada ururka Al-Nusra, inkastoo warar soo baxayay ay sheegayeen in kooxdan ay raadineysay sidii ay dib ugala noqon laheyd xiriirka ay la leedahay Al-Qaacida.

Warar soo  baxaya ayaa magacyada Sadexda ruux ee hogaamiyahaan lala dilay ku sheegay Abu Muscab Falastiini, Abu Cumar Kurdi iyo Abuu Baara Ansaari.

Kooxda Al-Nusrah ayaa ka mid ah kooxaha hubeysan ee awooda badan ku leh dalka Syria waxaana ay ka mid yihiin kooxaha doonaya inay xukunka ka tuuraan M/weyne Bishaar Al-Asad.