TOP NEWS:- Madaxweyne kuxigeenkii Puntaland oo la Maxkamadeynayo.

0

Madaxweyne ku xigeenkii hore maamulka Puntalnad, Cabdi-Samad Cali Shire, ayay Maxakamadeeni uga bilaabatay meel u dhaw magaalada Taleex ee gobolka Sool.

Cabdi-Samad Cali Shire ayaa la filayaa in ay Maxakamada oo ah Mid Islaamiya ka gaarto go’aan eedeeymaha loo haysto.

Sanadkii 2013-kii ayaa Madxweynihii Hore ee Maamulka Puntland waxa markii uu tagay magaalada Taleex ka dhacay halkaas dagaal ay dadi ku dhinteen, taasoo ah eeda loo haysto Mr. Shire.

Maxakamadeentiisa Shire waxa ay shalay waxa ay ka furantay Dooxada Gudur oo 5 KM waqooyi uga beegan degmada Taleex  ee gobolka Sool.

Maaha Madaxweynihii hore oo kaliya dadka isla dacwadaas loo heesto ee ay maxakamadeentoodu ka bilaabaty halkaas, hase ahaatee waxaa jira in ka badan 20 xubnood kale oo iyana Maxakamada Saaran.

Dadka Gobolka Sool ayaa u arka wax wanaagsan inuu madaxweynihii hore ee Puntland aqbalay Maxakamad inuu soo hor joogsado.

La soco wixii ku soo kordha.