Top News: Xildhibaan C/llaahi Maxamed "Ammaan Xumada Ka Jirta Muqdisho Waa Mid Salka Ku Haysa Habdhaqanka Madaxweyne Xasan Seekh"…

0

Inkastoo dhaliilo kala duwan dhanka amaanka ah loo jeediyay Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia, ayaa waxaa dhaliil ceynkaasi ah jeediyay Mudane ka tirsan BF Somalia.

C/llaahi Maxamed oo kamid ah BF Somalia ayaa sheegay in Amaan darida ka taagan Magaalada Muqdisho ay tahay mid salka ku heysa habdhaqanka Madaxweyne Xassan oo noqday mid uu ugu roonaanayo reerkiisa.

Waxa uu sheegay in inta badan Laamaha Amaanka uu u dhiibay Saraakiil ka tirsan reerkiisa, taasina ay keentay in Amaanka Magaalada la dayaco.

‘’Adeer intuu amaanka dalka ka hagaagaa haddii Madaxweynihii dalka uu inta badan Saraakiisha laamaha amaanka ka dhigay reerkiisa, Ciidamadii ka xigsan lahaa cadowguna ay yihiin kuwo Mushaar la’aan. Aniga ra’yi ahaan ma filaayo in amaanka uu kasoo hagaagayo sida uu hadda yahay hadii aan wax laga bedelin xilalka lagu qancinaayo dad gaar ah’’.

‘’Waad la soctaan in Muqdisho laba asbuuc gudaheeda ay ka dhaceen weeraro isugu jira qaraxyo iyo dilal, taasina waxaa u sabab ah xilalka oo lagu tubay Saraakiil hal dhinac u badan’’.

C/llaahi Maxamed, waxa uu aad u dhaliilay hanaanka Siyaasadeed uu xiligaani dalka ku hogaaminaayo Madaxweyne Xassan waxa uuna ugu baaqay inuu dib ugu laabto Saraakiisha uu xilalka amaanka u dhiibtay.

Dhanka kale, Xildhibaan C/llaahi Maxamed waxa uu walaac adag ka muujiyay dhaqaalo xumida heysata Ciidamada DF Somalia ee har iyo habeen u taagan sugida amaanka dalka.