WAA LA SUGAAYEY : Sharma'arke Oo Siyaasado Uusan Xasan Sheekh Jeclaysan Lasoo Baxay ! (Murankii Badda Oo Lasoo…)

0

SharmaarkeU GAAR AH ALLGALGADUUD MEDIA : ilaha wararka hoose aynu ka helno ayaa Warbaahinta Allgalgaduud Media maanta u xaqiijiyey in Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, uu bilaabay Siyaasado uusan la dhicin Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Wararku waxa ay sheegayaan in Ra’isul wasaaraha uu bilaabay inuu la xisaabtamo Xafiiska Madaxweynaha, isagoona dhowr jeer ka dhaga adeegay qoraalo kasoo baxay Xafiiska Xassan Sheekh.

Sarkaal ka tirsan Xafiiska Madaxweynaha ayaa xaqiijiyay in ilaa iyo Seddex warqadood oo amar ah kana baxay Xafiiska Madaxweynaha uu laba kamid ah dib usoo celiyay R/W CCC.

Sarkaalka ayaa sidoo kale, sheegay in R/W CC uu ka careysan yahay go’aan uu ku doonaayay soo nooleynta Arrimaha Badda oo muran ka dhex dhaliyay isaga iyo Madaxweynaha taasi oo mugdi galisay damaca Ra’isul wasaaraha, inkastoo ay jiraan Siyaasado hoose oo aan weli soo ifbixin.

Dhanka kale, La taliyayaasha iyo Siyaasiyiinta ku dhow dhow Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa aad uga carooday Ficilada cusub uu lasoo baxay Ra’isul wasaaraha dalka, waxa ayna Xasan uga digeen in Muranka Badda loo rogo wadadii horseeday dhibaatada hadda taagan.