War Cusub:Xildhibaan Muuse Sheekh Cumar "Daawo La’aan Ayaa Ka Jirta Isbitaalka Degmada Baladxaawo".

0

Isbitaalka Guud ee degmada Baladxaawo ee gobalka Gedo ayaa haatan laga soo sheegayaa daawo la’aan baahsan, halkaasi oo ay jiifaan bukaan aad u badan.

Xildhibaan Muuse Sheekh Cumar oo ku sugan degmadaasi ayaa u sheegay Warbaahinta gudaha dalka in booqasho ay ku tageen Isbitaalka oo ay jiifaan Haween iyo Caruur, balse aanu meesha oolin daawo ku filan.

Seddaxdii Bil ayuu sheegay in mar daawo la geynayay Isbitaalka, balse hadda ay muuqato in aanu yaallin daawo iyo wax loogu gar gaaro dadka Bukaanka ah.

Xildhibaanka ayaa tilmaamay in maamulka Isbitaalka ay kala shireen arintaasi, islamarkaana ay u sheegeen in dowladda ay ka dalbanayaan in daawooyin ay lasoo gaarto Isbitaalka.

Bukaanno u badan Haween iyo caruur ayaa xilligaan ku sugan Isbitaalka degmada Baladxaawo, waana isbitaalka kaliya ee degmadaasi ku yaala, waxaana halkaasi taga bukaanno badan oo degmada iyo daafaheeda ka kala yimaada, mana jirto daawooyin dadkaasi ku filan oo isbitaalka yaalla.