War La Filayay: Maxamed Ugaas Xaashi Oo Beri Ku Wajahan Magaalada Kismaayo.

0

Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in Hoosjooge C/llaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo Maxamed Ugaas Xaashi ay beri ka anbabaxayaan Magaalada Doolow ee Gobolka Gedo iyaga oo ku wajahan magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in Hoosjooge Fartaag iyo Maxamed Ugaas Xaashi ay weheliyaan qaar ka tirsan kooxdi Bacmadoow.

Dhinaca kale waxaa ka socda magaalada Kismaayo qaban qaabada soo dhaweynta Hoosjooge Fartaag iyo Maxamed Ugas Xaashi.

Isku soo wda duuboo safarka beri ee Hoosjooge Fartaag iyo Maxamed Ugaas Xaashi ay ku tagayaan magaalada Kismaayo ayaa waxa ay guulweyn iyo farxad u tahay dhamaan beelaha beelweynta Beesha Sade ee ku shirsan magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo….

Waxii Ka Soo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media