Wasiirka Arrimaha Dibadda Oo Ku Qaabilay Xafiiskiisa Siihayaha Safaaradda Qatar ee Soomaaliya (Sawiro).

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cabdisalaan Hadliye Cumar ayaa maanta ku qaabilay Xafiiskiisa Siihayaha Safaaradda Dowladda Qatar  ee Soomaaliya Injineer Xassan Bin Xamza Asad Maxammed oo ay ka wada hadleen xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga dhinacyada badan leh .

Kulanka intii uu socday , ayaa waxaa la isku weydaarsaday aragtiyo muhiim u ah danaha wadaagga ah iyo qaabkii lagu xoojin lahaa .

Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir xoogan oo walaalnimo oo soo jireen ah oo ku qotama iskaashiga dhaqan , dhaqaale ,siyaasad iyo bulsho , iyadoo Dowladda Qatar  ay ka mid tahay dowladaha ugu horeeya ee caawiya Soomaaliya .

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda 

0504030201