XOG: Xabad joojinta Guriceel oo ay Caqabad ku noqdeen Madaxweyne Hassan Sheikh, Wasiirka Arimaha Gudaha Odowaa iyo Cabdikariin Hussein Guled?

0

Guddiga Ganacsatada iyo odoyaasha shirka uga socdo Magaalada Dhuusamareeb oo ku guuleystay inay aqbalsiiyaan xabad joojin dhex marta ciidamada Dawladda iyo kuwa ASWJ ee dagaaladu ku dhexmareen magaalada Guriceel ayaa la sheegayaa inay caqabad kasoo food saartay dhinaca Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Si loo badbaadiyo shacabka ku barakacay Magaalada Guriceel ee kumanaanka kun ah looguna soo celiyo magaalada ay ka barakaceen waxaa waxgaradkii ka shaqeynayey Xabad joojinta iyo dhexdhexaadinta soo jeediyeen 3 qodob, qodobadaas oo kala ah:-


1- In Xabadda la joojiyo Shuruud la’aan.

2- In Ciidamada Dawladda ee ku sugan xerada Harqaboobe oo 3 KM u jirta magaalada Guriceel ku noqdaan Magaalada Dhuusamareeb oo ay ku taalo xarunta ciidamada qeybta 21-aad.

3- In Ciidamada ASWJ joogaan Magaalada Guriceel oo ay haatanba gacanta ku hayaan ciidamada Dawladuna joogaan Magaalada Dhuusamareeb oo shirka dib u heshiisiinta iyo maamul dhisida goboladda dhexe-na uu ka socdo oo labada ciidana aysan sameynin wax dhaqdhaqaaq milateri ah.

4- In Ciidamada AMISOM ee ku sugan Gobolka Galgaduud ilaaliyaan Xabad joojinta labada dhinac.

5- Intaa kadib in Dawladda iyo ASWJ wada hadlaan.

Masuuliyiinta ASWJ ayaa aqbalay dhamaan qodobadaa balse Masuuliyiinta hogaaminaaya dagaalka ee ka socda Dawladda ayaa sheegay in ciidamadda dib ugu celiyaan Magaalada Dhuusamareeb ka go’do Madaxweyne Hassan Sheikh oo isagu Dagaalka amray.

Madaxweyne Hassan Sheikh, Wasiirka Arrimaha Gudaha Odowaa iyo Cabdikariin Hussein Guuleed oo kasoo jeeda xarakada Damujadiid ayaa hub fara badan oo ay ku jiraan Hoobiyayaal u raray Gobolka Galgaduud si ciidamada Dawladda u joogteeyaan dagaalka ka dhanka ah culimada ASWJ inta kooxda Damujadiid ka gaarayaan hadafkooda ah in shirka ka socda Magaalada Dhuusamereeb uu saameeyo dagaalku markaa kadibna si sahlan u geystaan shirka Magaalada Cadaado si musharaxa kooxda Damjadiid ee Cabdikariin Hussein Guuleed loogu dhawaaqo Madaxweyne, Caasimadda Maamulkana looga dhigo Magaalada Cadaado.

Si kastaba ha ahaatee  beelaha Gobolada dhexe ee shirka ugu socdo Dhuusamareeb iyo Culimada ASWJ ayaan dooneyn in shirka dib u heshiisiinta iyo maamul sameynta loo raro Magaalada kale maadaama magaalada Dhuusamereeb amnigeedu sugan yahay ayna joogaan Ciidamada AMISOM.