Xog aad afka gacanta la saaran doontid Oo Kusoo Korodhay Shirka Dowladda SOMALIA & Maamulka Somaliland (Wasiir Inoo Xog-waramay)

0

ISTANBUL, Turkey (Allgalgaduud.com) – Sida uu Wasiir ka tirsan Dowladda Somalia goor dhow Allgalgaduud u xaqiijiyey, Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federaalka Jamhuuriyadda Somalia Mr Cabdiraxmaan Odowaa ayaa durba la soo baxay hal adeeg siyaasi Wadaniya kadib markii uu si cajiiba ugu jawaabay ergadii Somaliland oo sharuuda sheeko qiyaaliya ku xiray iney furmaan Wada hadaladda Dowladda Somalia iyo Maamulka Somaliland.

Wasiirka Madaxtooyada Maamulka isku magacaabay Somaliland Xersi Cali Xaaji Xasan ayaa dalbaday in Ergadda laga saaro Wasiirka Duulista Hawada Cali Jamac Jengeli oo dhulbahante u dhashay,Wasiirka Warfaafinta Maxamed Xayir Maareeye oo Habarjeclo Isaaq u dhashay ,Yusuf Garaad Cumar oo Habargidir u dhashay iyo Saciid Qoorsheel oo Warsengeli Daarood u dhashay.

Wasiir Cabdiraxmaan Odowaa ayaa ergadda Somaliland ugu jawaabay ” Xageed kala timaadeen sharciga iyo awoodda idiin baneeysay inaad yeelataan dooqa xulashada ergadda meteleysa Dowladda Federalka Somalia ,sideese ugu fikirteen inaad nagu tiraahdaan Wasiiro Qaranka Somalia ka socdo lama hadleeyno”.

Wasiir Xersi Tooriile ayaa cabaar buuqay keligiis laakiin wuxuu Wasiir Odowaa ugu jawaabay “Masuuliyiintaan waxeey metelaan Dowlad Qaran oo Caalamka aqoonsan yahay,anaga ergadiina ma fara gashan ,idinkana isku xishooda oo hadaad diyaar tihiin inaan wada hadalno aanu fariisano haddii kale yaan waqti leeyska lumin”

Saciid Qoorsheel baa ku yiri “Wiil yar oo ismooday wuxuusan aheyn anigu lama doodi karo,.waxaan kugula talinayaa inaad tabartaada tilaabsato”

Ergadii Somaliland ayaa aqbalay in wada hadaladda furmaan laakiin Wasiir Xersi ayaa diiday oo ka duday,waxeeyna ku jiraan shir.

Doqonimada iyo maangaabnimada ugu xun ee qof bini-aadama ku hadaaqo waxaa ka mida iney madashii wada hadalada la tageen shaqsiyaad calooshood u shaqeeystayaala oo aan metelin beelaha Dhulbahante,Gadabuursi iyo Warsengeli balse halkii la rabay in lagu yiraa dadkaan cidna ma metelaan ayey iyagii leeyihiin madaxdii Qaranka lama hadleeyno oo beelahooda ma metelaan.

“Sida muuqato qiyaaligii Siilaanyo iyo afarta la reerkaa wuxuu taagan yahay fashil,waxaana hortaala iney qaataan Midnimadda Jamhuuriyadda Somalia ama iney noqdaan kuwii Towxiidka seegay oo godoon siyaasadeed iyo dhaqaale la gelsho”ayaa lagu yiri fariimo lagu faafiyay maanta baraha bulshada ku sheekeeystaan sida Facebook iyo Twitter.

“Hadii Wasiirka Arrimaha gudaha qoro Warqad uu Hay’adaha Caalamka ee deeqaha bixiyo ku leeyahay waxba ma siin kartaan Maamulka Somaliland waxeey sheegashadooda ku dhamaan kartaa maalmo qura “sidaasi waxaa yiri Masuul ka tirsan Dowladda Somalia.