Breaking_: Madaxweyne Gaas Oo Kala Diray Golaha Deganka, Gudomiye Cusubna Umagacabay Garowe.

0

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xilka ka qaadey duqii degmada Garowe Cabdinuur Cilmi Koor, islamarkaana kala direy golihii deegaanka ee Garowe.

Axmed Siciid Geelle Ayaa Loo Magacaabay Duqa Cusub ee Garowe, halka ku-xigeenka cusubna loo soo magacaabay Mustafe Siciid Faarax, Dhanka kale, Madaxweyne Gaas ayaa isku beddeley afar agaasime guud.

Gudoomiyaha Cusub Ee Garowe
Gudoomiyaha Cusub Ee Garowe

Agaasimihii Wasaaradda Arrimaha Gudaha waxaa loo wareejiyey Wasaaradda Cadaaladda halka kii cadaaladdana loo beddeley wasaradda Haweenka.

Agaasimihii Wasaaradda Haweenkana waxaa loo wareejiyey Arrimaha Gudaha.

Xil ka qaadista maayerka Garowe iyo kala dirista golaha deegaanka ayaa kusoo aadaysa todobaad kadib markii Madaxweyne Gaas sidan oo kale xilka uga qaadey mas’uuliyiintii ugu sarreysey maamulka gobka Bari iyo degmada Bosaso islamarkaana kala direy golihii deegaanka ee Bosaso.

Wali Lama Cadeyn Sababta Uu Isbadalkan U sameeyay Madaxweyne Gaas, Waxaanna Ay Qeyb ka Tahay Isbadalka Madaxweyne Gaas ee Dalka Uu Ka Waddo.

La soco faah faahinta