Top News: Ciidamada Col Bare Hiraale Oo Dhirbaaxo Ku Dhuftay Maleeshiyaadka Raaskambooni

0

Kismaayo(AGGM) Ciidamada  daacada u ah Col Bare Aadan Shire  ( Hiiraale) ayaa shalay galinkii dambe iska difaacay weerar ay ku soo qaadeen Maleeshiyaadka Raaskambooni fariisimahooda ku yaala degaanka Sacba Ashraaf,waxaana halkaasi ka dhacay dagaal mudo kooban socday.

Saraakisha Hogaamisa Ciidamada Col Bare Hiiraale ayaa shaaciyey inay ka war hayeen weerar ay ku soo qaadayeen Maleeshiyaadka Raaskambooni,waxaana ay sheegeen inay arrintaasi ka digtoonaayeen. Saraakisha Col Bare Hiiraale waxay shaaciyeen inay weerarkasi iska difaaceen isla markaasna dhaawaceen dhawr askari oo ka tirsan maleeshiyaadka Raaskambooni.

Sidoo kale waxaa shacabka ku dhaqan Magaalada Kismaayo shaaciyeen in dhaawaca 3 askari oo maleeshiyaadka Raaskambooni la soo gaarsiiyey shalay galinki dambe Isbitaalka Magaalada Kismaayo,waxaana ay sheegeen in ciidamadii Maleeshiyaadka Raaskambooni jab kala soo kulmeen weerarkaasi.

Maleeshiyaadka Raaskambooni ayaa intooda badan Marka weerar Alshabab ku soo qaadaan isku daya inay arbushaan ciidamada Col Bare Hiraale ee ku sugan duleedka Magaalada Kismaayo,waxaana taasi sababtaa in Maleeshiyaadka Raaskambooni ay ku fashilmaan weerarkooda iyagoo khasaare qabana dib ugu soo laabtaan fariisimahooda Magaalada Kismaayo.

Ugu dambeyntii Saraakisha hogaamisa ciidamada Col Bare Hiraale ayaa daboolka ka qaaday inay sheedda kala socdaan dhaqdhaqaaq kasta oo ay isku dayaan Maleeshiyaadka Raaskambooni,waxaana ay sheegeen inay jawaab waafi ah ka siin doonaan tallaabo kasta oo ay isku dayaan.

cddnnn-620x330

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com