(DAAWO-VIDEO) Baarlamanka Somaliland oo ansixiyay Gudoomiyaha Maxkamadda sare.

0

Fadhi wadajir ah oo ay maanta ku yeesheen magaalada Hargaysa labada aqal ee uu ka koobanyahay barlamanka Somaliland ayay waxay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen gudoomiyaha cusub ee maxkamada sare ee Somaliland.

Garyaqaan Adan Xaaji Cali Axmed waxaa dhawaan jagadaasi u soo magacaabay Madaxweyne Axmed siilaanyo, kadib markii uu eryay gudoomiyihii hore ee maxkamada sare.

Labada aqal ee u codeeyay ayaa kala ah golaha guurtida iyo golaha wakiilada.

Fadhigan wada jirka ah ee maanta waxaa gudoominaayay gudoomiyaha golaha guurtida Somaliland Saleman Maxamuud Adan iyo gudoomiyaha golaha wakiilada Cabdiraxman Maxamed Cabdillahi.

Waxaa soo xaadiray 122 xildhibaan, waxaa codkooda siiyay 110 xildhibaan, waxaa ka aamusay 11 xildhibaan cid diidayna ma jirin.

Hoos ka daawo Warbixin:

https://youtu.be/P49YMo7nVrM