Deg Deg+Akhriso: Macagyada & Qabiilada ay ka soo jeedaan Xildhibaanada Cusub ee Maamulka Gobolada Dhexe Ee Soomaaliya.

0

Gudigga Farsamadda Maamul Dhisidda Gobollada dhexe ayaa maanta shaaciyey inta badan liiska xubnaha Baarlmaanka Dowlad Gobolleedka Galmudug.

Guddoomiyaha Gudigga Farsamadda Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (XaliimoYareey) ayaa ku amaantay odayaasha dhaqan ku sida hufnaanta iyo caddaaladda leh ee ay usoo xuleen xubnihi Baarlamaanka Dowlad Gobolleedka Galmudug.

Xaliimo Yareey ayaa tiri “aad iyo aad ayaan ugu mahadcelineynaa odayaasheenna dhaqanka, aad ayay u dadaaleen, waxaa ilaa hadda lasoo gudbiyay 60 xubnood oo soo buuxiyay shuruudihii dastuuriga ahaa ee lagaga baahnaa, waxaa harsan tiro aad u yar, oo aan odayaasha ka codsanay in ay kusoo gudbiyaan kama dambeys maalinta berri ah si ay uga qeyb galaan fadhiga ugu horreeya oo qabsoomi doona maalinta isniinta ah”.

Ugu dameyntii, Guddoomiyaha Gudigga Xaliimo Yareeyay ayaa sheegtay maalinta Isniinta ah la qaban doono munaasabada dhaarinta iyo fariisinta Baarlmaanka si ay u guda galaan howlahii doorashooyinka.

1

22

33