TOOS U DHAGEYSO:- Dhaqaalaha Maamulka Puntland oo hoos u dhacay

0

Xisaabiyaha Guud ee maamulka Puntland Xasan Cali Samatar oo ka hadlaayay dhaqaalaha Maamulka Puntland ayaa sheegay in dhaqaalaha Maamulka Puntland oo hoos u dhac weyn ku yimid.

Xisaabiyaha ayaa sheegay in sababta uu hoos ugu dhacay dhaqaalaha Maamulka Puntland ay tahay in ay jiigsadeen daqligii Maamulka Puntland ay ka heli jireen dibada.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ay yaraadeen Canshuurtii ganacsiga Maamulka Puntland isla markaana ay keentay In uu hoos u dhaco dhaqaalaha Maamulka Puntland.

Hadalkaan ayuu Xisaabiyaha Guud ee maamulka Puntland Xasan Cali Samatar ka sheegay ka dib markii shalay Wasaaradda Maaliyada Puntland ay baarlamaanka Maamulkaasi horgaysay xisaab xirkii miisaaniyada.