TOOS U DHAGEYSO:- Farmaajo oo fariin muhiim u jeediyay dowlada Soomaaliya

0

Ra’iisal wasaarihii hore ee xukuumadii KMG Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo oo wareysi siinaayay warbaahinta maxaliga ayaa sheegay in ay jiraan khaladaad cad oo wali ku jira Dastuurka Soomaaliya.

Farmaajo waxa uu shaaca ka qaaday in khaladaad ugu wayn ee siyaasada dalka ka dhaca aas aas ay u tahay qodobo dhowr ah oo ku jira Dastuurka Soomaliya.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaliya Farmaajo ayaa isaga waxa uu xaqiijiyay in Dastuurka khaladaadkiisa aysan wali waxba ka qaban madaxda dowladda Soomaaliya taas oo keentay dhowr jeer in madaxweynaha iyo ra’iisul wasaarihiisa ay isku dhacaan.