DHAGEYSO:- Itoobiya oo madaxda Soomaalida ugu baaqday inay dhameeyaan khilaafaadka

0

Wasiirka arimaha dibada Ethiopia Dr Tedros Adhanom ayaa ugu baaqay madaxda Soomaalida iney dhameeyaan khilaafaadka dhexdooda ka taagan iyadoo aysan Helin dhexdhexaadiyaal dibada ah.

Wasiirka ayaa hadalkaan jeediyay kadib markii uu la kulmay madaxweynaha maamulka Jubba Axmed Maxamed Islaam Madoobe, kulankaasi oo ka dhacay magaalada Addis Ababa.

Wafuud ka socota Jubbaland ayaa ku sugan magaalada Addis Ababa waxaana ujeedada tahay dhameynta kala duwanaanshaha u dhaxeeya maamulka Jubba iyo maamulka koofur galbeed.

Wuxuu Dr Tedros u ku sheegay shirkiisa jaraa’id in labada maamul looga baahan yahay dhameynta kala duwanaanshaha u dhaxeeya iyadoo loo marayo dhanka naba laguna dhameeyo sida ugu macquulsan uguna dhaqsi badan.

Sidoo kale maamulka Jubba ayaa khilaaf wuxuu kala dhaxeeya dowlada Soomaaliya kaasi oo ka dhashay mooshinkii xildhibaanada baarlamaanka u codeeyay ee sheegayay in sharci daro tahay qaabka loosoo dhisay baarlamaanka Jubbaland.

Mar walba oo uu khilaaaf soo kala dhexgalo hogaamiyaasha Soomaalida, inta badan waxay tagaan dalka Ethiopia si ay ugu bandhigaan kala duwanaanshahooda loona dhameeyo khilaafaadkooda.