DHAGEYSO:- Wasiirka Warfaafinta oo furay tababar ku saabsan bad-qabka Saxafiga.

0

Siminaarkan oo socon doono muddo saddex cisho ah waxaa lagu baran doonaa arrimo ay ka midyihiin badqabka Saxafiga, sida ugu wanaagsan ee ay ku wada shaqeyn karaan hay’adaha amniga, Maxkamadaha iyo Warbaahinta, taasi oo sahleysa xoojinta amniga.

Tababarkan ay si wadajir ah isaga kaashanayaan UNSOM, Sweden, Relief International iyo hay’adaha taageera Warbaahinta Soomaaliya ayaa  maanta loo furay  qaar ka mid ah wariyaasha ka  howl gala  magaladda Muqdisho.

Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiisa ee xukuumadda Soomaaliya Md. Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” oo furay tababarka ayaa uga mahadceliyay hay’adaha soo qaban qaabiyay, isagoo xusay Wasiirku tilmaamay in dastuurka dalka uu qeexayo Xorriyadda Saxaafadda,  Loona bahan yahay  in ay wada shaqayn wanaagsan dhexmarto  bahda warbaahinta iyo hay’adda amniga dalka.

“Dowladda Siyaasadeeda waxaa  weeye warbaahintaan xoogga leh   ee  gaarka loo leyahay in ay jirto, inay shaqayso in ay yeelato xirfadda wanaagsan  oo ay shaqadeeda u aqoon u lahaato, isla markaana  ciidanka  ammaanku ay ku tixgaliyaan shaqadoodda  oo ay ciidanka  ammaanka iyo warbaahintu  xorta  ee Somaliyeed  ay u wada shaqeyaan si waafaqsan   sharuucda  calamiga ah  iyo qaabka ay u wad shaqeyaanka  wadama  hormaray eel eh warbaahinta   horumaray  sida ay  uwada shaqeyaan  ayaan doonaynaa, ee marka sidaa ogtihiin dastuurka soomaliya  waxa u damaanad qaadayaan xoriyadda Saxafadda  xorta ah “ ayuu  yiri Wasiir Maareeye .

Md. Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa xusay in 12-ka bishan Muqdisho lagu qaban doono shir muhiim ah oo ay ka soo wada qeyb gali doonaan Wasiirada Warfaafinta Maamul Goboleedyada dhisan, Agaasimeyaasha guud, laguna marti qaado Wakiilada beesha caalamka ee Soomaaliya, kaasi oo ay qaban qaabineyso Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, si loo helo wada shaqeyn buuxdo dhexmarta  guud ahaan  Bahda Warbaahinta Soomaliyeed .

Hoos ka dhageyso: