DHAGEYSO+SAWIRRO:- Wasiir Dr. Abdusalam H. Omer : “OIC waxa ay ogolaatay in taageerada loo fidiyo Soomaaliya ay noqoto mid toos ah”

0

Mogadishu, Talaado, June 02, 2015 – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Dr. Abdusalam Hadliye Omeroo maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib markii uu ka qeybgalay Shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamiga , wareegiisa 42,aad oo ku qabsoomay dalka Kuwait maalmaha 27-28 bishii hore May  , ayaa waxa uu sheegay in Shirkaasi guulo wax ku ool ah ay ka soo hoyday dowladda Soomaaliya .

Wasiir Dr. Abdusalam Hadliye Omer oo Shir Jaraa’id ku qabtay garoonka diyaaradaha Muqdisho , ayaa waxa uu cadeeyay in Wasaaradiisu ay diiradda saartay ka hadlidda arrimaha kala ah :

1-    Xoojinta iyo mideynta ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya , taageero ballaaranna loo fidiyo.

2-    In Dowladda Soomaaliya ay kaga guuleysatay  kooxda nabad-diidka dhinaca milatariga , loona baahan yahay taageeridda dhisidda iyo qalabeynta ciidan Soomaaliyeed oo xoog leh.

3-    In la maalgeshto dalka Soomaaliya ,lana soo saaro kheyraadka kala duwan ee dhex ceegaga Bad iyo Beri, si loo abuuro fursado shaqo oo suuragelin karta la dagaalanka saboolnimada , colaada  una yaraado saboolnimada iyo colaada.

4-    Hiigsiga 2016 oo ah qorshe loogu saldhigayo, laguna fidiyo awoodda Dowladda hab nidaam federaal ah , iyadoo Madaxweynaha Jamhuuriyadda H.E. Hassan Sheikh Mohamud  iyo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda H.E. Omar Abdirashid Ali Sharmarke ay ku howlan yihiin hirgelinta Hiigsigaasi iyagoo kaashanaya hey’adaha kala duwan ee dowladda.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga , waxa kale oo uu intaasi ku daray in Dowladda Soomaaliya ay noqotay Dowladda Kaliya ee wiiqday awoodda koox aragagaxiso oo nabad diid ah, lagana sifeeyay dalka intiisa badan.

Dr. Abdusalam H. Omer, waxa uu xusay in Shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka ay isku raaceen in Soomaaliya laga taageero dhinacyada Siyaasadda , dhaqaalaha , maalgashiga iyo Xoojinta awoodda ciidanka Xoogga dalka , waxa uu yiri “ OIC waxa ay ogolaatay in taageerada loo fidiyo Soomaaliya ay noqoto mid toos ah oo aan loo marin Hey’ado ama Ururo, lagulana xisaabtamo qaabka loo maareeyo deeqaha maaliyadeed”.

Hoos ka dhageyso codkiisa:

DAAWO SAWIRADDA:

DSC08177 DSC08178 DSC08181 DSC08183 DSC08184 DSC08190 DSC08192