Hogaaminta Cabdiweli Gaas Guul Mise…?

0

Sanadkii labada kun iyo saddex iyo tobanka (2013) waxaa u ahaa dadka reer puntland sanad uga duwan sanaddadii ka horeeyey maddaama maamulkoodu shan iyo tobban jirsaday Oo ay dabbaal-deg ugu jireen qaangaadhnimadiisa, dhinaca kalena waxay u ahayd sanad doorasho Oo ay rabeen in ay ku soo doortaan hogaamiyihii hogaaminlahaa shanta sano ee soo socota.

In baddan Oo dadka puntland ka soo jeeda ayaa u arkayey in maamulkii puntland shan iyo tobban jirsatay isaga oo “fadhiid” ah Oo aan gaarin ujeeddooyinkii ama ahdaaftii laga rabay in u xaqiijiyo sida: ammaanka, midnimadda, dhaqaalaha iyo dawlad-wanaagga. Sidaa laajigeed waxay laba huraan u arkayeen in ay soo doortaan hogaamiye fulinkara himiladooda.

Deegaamada puntland waxa ku soo qulqulayey musharixiinta u tartamayaa xilka madaxweynimada Oo kawada sinaa in maamulkii 1998 la unkay hogaankii puntland ee kala danbeeyey u ku fashilmay waajibaadkii loo igmaday. Musharixiintaas saas ku andacoonisay waxaa safka hore kaga jirey madaxweyne cabdiweli maxamed Cali (gaas) Oo isaga Oo tilmaamaya tayo xumida hogaamiyaashii soo maray puntland ku sifeeyey “aarkulaystiyaal” aan geyin in ay hogaamiyaan puntland walow ay dad badan Oo ka soo jeeda deegamada puntland ay u arkayeen in u ahaa hadal gef iyo meelka dhac ah.

Doorashii siddeedii janaayo ka dhacday garowe Oo ahayd mid ay 66 xildhibaan Oo hogaamiye dhaqameedka beeluhu soo xuleen codeenayaan ayaa cabdiweli maxamed Cali (gaas) kaga guuleystey madaxweynihii xiligaas xilka Hayey cabdiraxmaan faroole hal cod (slim victory) taas Oo micneheedu tahay in cabdiweli maxamed Cali (gaas) yahay shikhisiga shanta sano ee soo socda hogaamindoona puntland. Natiijada codbixintaas Guud ahaan waxaa laga soo dhaweeyey soomaaliya gaar ahaana deegamada puntland Oo u arkayey in u yahay shikhsi aqoon ahaan iyo waayo aragnimo siyaasadeedba leh u yahay shikhsi istaahila xilkan culus.

Rajadii iyo riyadii dadka reer puntland ayaa markale dhicisowday Oo noqotay mid ku dhacday haadaan fog. ka gadaal markii himilooyinkii dadka reer puntland lahayeen u ku fashilmay maamulka mudane gaas in u fuliyo sida: ammaanka, midnimada, caddaaladda dhaqaalaha iyo dawlad-wanaagga.

Ammaanka: tan iyo maalintii madaxweyne gaas qabtay xafiiska xaaladda ammaan ee puntland waxay noqotay mid faraha ka baxday iyada Oo dad badan Oo reer puntland Oo bulshada wax ku ool u ahaa lagu dilay maalin cad gudaha puntand. Shaqaalaha Hay’addaha gargaarka ayaa si la mid ah loogu beegsaday hadh-cad deegamadda puntland taas Oo keentay puntand in ay lumiso kalsoonida beesha caalamka ee ka hawlgelida deegamadda puntland. “Sida cad Wixii ka dhacay guddaha garowe saddex toddobaad kahor waxay muujinayaan in aysan suurtagel ahayn in puntland loo arko mar danbe meel ammaan ahaan khatarta ammaan hooseeso ama xataa dhexdhexaad tahay.” Saas waxaa yiri ergeyga bini’aadantinimada u qaabilsan QM soomaaliya Philippe lazzarini Oo shir ka dhacay Xarunta QM Newyork dhamaadkii bishii may ee 2015 ka sheegay in xaladda ammaan ee puntland tahay mid faraha ka baxday kagaal markii shaqaale ka tirsan QM lagu dilay garowe iyo gaalkacayo.

Midnimadda: balanqaadkii mudane gaas sameeyey muddadii u ku jirey ololaha doorashada waxaa ka mid ahaa in puntland lugihii ay ku taagneyd ay midi maqan tahay haddii xilka loodoortana u ka shaqeynayayo siddii waaxda maqan u keenayo. Xarunta gobolka sool ee laascaanood Oo maamulka puntland u ka qabsaday maamulka somaliland ayaa mudane gaas ku galay doorashada “…laascaanood faatoxo kuma bixin, faataxana kuma soo laameyso…” Balse markii cabdiweli xilka loodoortay waxa u sheegay puntland iyo somaliland yihiin laba maamul Oo u ka dhexeeyo xiriir fiican Oo walaaltinimo gobalka soolna yahay meel gargaar bini’aadantinimo u bahan Oo kaliya taas Oo ah hadal gef iyo meel ka dhac ku ah bulshadda gobolkaas ka soo jeedda dhinaca kalana muujinaysa munaafiqnimada madaxweyne cabdiweli gaas.

Caddaaladda: fadeexaddaha ugu waaweyn ee maamulka gaas hareeyey waxaa ka mid ah in u dhamaan xilalkii kabilow wasiir ilaa agaasime u ku daxay dad ay yihiin qaraabo hoose iyo saxiib dhow taas Oo meesha ka saartay wax wadalahaanshihii. Naasnuujinta iyo eexda ayaa noqotay wax caadi ka ah maamulka gaas. Tusaale ahaan wasiirka qorsheynta puntland oo aan ka soo jeedin beesha gaas ayaa yiri, “…madaxweyne wasaaradaydu wax badan Oo ay ahayd in ay qabato uma suurtagelin sababta Oo ah waxaad igu dul magcawday dad farabadan Oo aan shaqadu noo qeexneyn…” Taas Oo u ka wedey dhalin ay isku reer yihiin madaxweyne gaas shaqadii wasiirka si sharcidaro ah ula wareegay gaasna u arintaas yahay shikhsiga ka danbeeyey.

Dhaqaalaha: cabdiweli Cali gaas Oo sheegay xiligii ololaha doorashadda in u yahay shikhsi aqoon iyo wayo-aragnimo durugsan u leh dhaqaalaha waxay u fududeysay in u kusoboxo xilka u maanta ka hayo puntland. Sanad iyo bar ka bacdi dhaqaalaha puntland waxa u marayaa meeshii ugu hooseysay abid taasna waxaa ka markhaati kacay cabdiweli gaas Oo warbaahinta si cad uga sheegay in puntland ku jirto dhaqaalo-xumo iyo sixir-barar. Maamul xumada gaas waxay soo dedejisay dhaqaalo xumo iyo sixirbararka miciishada Oo kor u kacay kagadaal markii dad ay jifi hoose iyo saxiib yihiin cabdiweli gaas ay keensadeen makiinadaha daabaca lacagta.

Dawlad-wanaagga: hanaanka isla xisaabtanka iyo daahfurnaanta (accountability and transparency) waxaa u fure u yahay maamul wanaagga kaas Oo horseeda horumar iyo hor u socod. Maanta puntland kama jirto cid dabagel iyo raadrac ku sameysa hay’addaha kala duwan ee dawladda puntland taasina waxay sahashay in maamulka gaas u noqdo mid ku tilmaaman musuqmaasuq iyo wax is dabamarin. Shaqaalaha dawladda iyo ciidamadaa midkoodna ma helo xaquuqdooda si joogta ah taasina waxay cadayneysaa in hantidda dadweynaha ay koox yar ay jeebkooda ku dhacdo.

Gunnaanad, marka la qiimeeyo wax qabadka maamulka gaas dhinac ammni, dhaqaale iyo mid bulsho waxaa ku soo baxaysa in uusan wax la taaban karo ka qabanin sidaa daraadeedna u kufashilmay dhamaan wax yaabihii loo igmaday.

W/Q: abdiaziz Saeed
Minneapolis, MN
Kala xiriir: Abdullahi8881@hotmail.com